Donald Trump ayaa ammaantii ugu badnayd u miisay Ra’iisal-Wasaaraha Pakistan Nawaz Sharifย iyo waliba dadka Pakistan. Sidaa waxa shaaciyey telefishanka CNN oo xiganayey telefoon uu Donad Trump u diray Ra’iisal-Wasaaraha Pakistan kaas oo lagu baahiyey bogga Ra’iisal-Wasaaraha Pakistan.
“Waxad tahay nin aad u wanaagsan oo sumcad leh. Waxad qabataa shaqo wanaagsan oo si kastaba u muuqata. Waxan rajaynayaa in aan dhakhso kuu arko. Dadka reer Pakistan waxay ka mid yihiin dadyowga ugu maskxda sarreeya adduunka. Fadlan u sheeg dadka reer Pakistan in ay dad cajiib ah yihiin. Qof kasta oo reer Pakistan ah oo aan aqaanaa wuxu qabtaa shaqo la yaab leh. Waxan doonayaa in aan dhakhso wax kaala qabto dhibaatooyinka hadda aad waajahayso. Ha ka maagin in aad telefoonkayga soo garaacdo xataa inta ka horraysa 20 January oo ah maalinta aan xilka la wareegi doono.”
Sidoo kale, bogga uu Internetka ku leeyahay Donald Trump ayaa lagu baahiyey warbixin xaqiijinaysa telefoonka labada hoggaamiye dhex maray in uu ahaa mid wax-tar leh.
India ayaa la filayaa in ay ka cadhooto warkan maadaama ay xukuumadda India jeceshay in Pakistan iyo hoggaankeeda loo arko dad aan la aamini karin oo gacan-saar la leh argagixisada.
Ilwareed: CNN
Bandhige@gmail.com