Donald Trump waxa uu ku tilmaamay Qaramada Midoobay murugo socota

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay Qaramada Midoobay in ay tahay murugo socota.

Qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka ayaa Trump ku sheegay in Qaramada Midoobay oo noqon kari lahayd mid wax tartaaa ay noqotay gole ay iskugu yimaadaan dadku oo ku haasaawaan wakhti fiicanna ku wada qaataan.

Todobaadkii hore ayuu si shakhsi ah u faro galiyey oo isku dayey in uu hakiyo cod bixintii Golaha Ammaanku u qaadayey qaraarkii cambaaraynayey deegaameynta Israa’iil ka wado daanta galbeed.

Kama dambaystii waxa qaraarkii la meel mariyey Jimcihii, tallaabadaasina waxay Trump ku dhalisay in uu bixiyo digniin ah in arrimuhu sida ay yihiin ka duwanaan doonaan marka isaga loo caleemo saaro madaxweynenimada.

bandhige@gmail.com