Doon siday boqolaal tahriiibeyaal ah ayaa ku gaddoontay xeebaha Liibiya

Doon siday boqolaal tahriibeyaal ah oo isku dayeysay in ay ka gudubto badda Medhitereeniyaanka Liibiya ayaa loo malaynayaa in ay gaddoontay.

Doontan ayaa  la sheegay in ay cimilo adagi ka hor timid markii ay socotay 25 kiiloo-mitir, intii ayaa la baaxaa degaysay xaaladdan adag ee ka hortimid ayey tahriibeyaashii saarnaa dhinac kali ah doonta kaga wada fadhiisteen, ka dib markii aan meel durugsan ka arkeen doonyo ay u maleeyeen in uu u soo gurmaday.

Dhowr doomood ayaa u soo gurmaday badbaadinta tahriibayaashan, sidoo kale waxa babbaadinta ka qayb qaatay saddex helikobtar.

War-bixin ay soo saartay Ha’yadda Qaramadda Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ayaa sheegtay in doontu siday 600 qof oo la badbaadiyey 250 qof, sidoo kale waxay sheegtay in ilaa hadda inta la og yahay ay dhinteen 16 qof.

Tahriibeyaal lagu qiyaaasay 2000 oo qof ayaa ku dhintay badda Medhitereerniyaanka ee u dhaxaysa Liibiya Iyo Yurub kuwaas oo u tahriibayey Yurub.  Sidoo kale waxa la badbaadiyey 188,000 oo qof sannadkan guddihiisa.

Todobaadkii u danbeeyey oo kaliya waxa ka gudbay badda Midhitareeniyanka ku dhawaad 200,000 oo qof, sidaansa waxa sheegtay Ha’yadda Qaramadda Midoobay u qaabilsan socdaalka.

Tahriibeyaasha ayaa Afrika uga carara si ay u baadi-goobaan nolol ka wacan ta ay ku noolaayeen.

bandhige@gmail.com