Warar hordhac ah: Doonyo siday tahriibeyaal oo ku gaddoomay xeebaha Liibiya

Laba doonyood oo ka baxday waddanka Liibiya oo kusii jeeday Talyaaniga ayaa wararku tibaaxayaan in ay ku guddoomeen magaalo-xeebeedka Zuwara cawaysinkii Khamiista.

Inkastoo ay Masuuliyiinta Liibiya aanay si rasmi ah u shaacin tirada rasmiga ee ku dhimatay, haddana waxa wararka hordhaca ahi sheegayaan in dhimashadu 200 sii cagacagaynayso.

Tirada la badbaadiyey ayaa iyadana hadda lagu qiyaasayaa ku dhawaad 200 oo qof.

Wararku waxay sheegayaan in dadka muhaajiriinta ah ee doomahan saarnaa badankoodu ka soo baqooleen  dalalka Saxaraha ka hooseeyaa ee Afrika, Baakistaan, Suuriya, Marooko iyo Bangaladheesh.

Nin saarnaa labada doonyood ta dadku ku badnaayeen ayaa sheegay in marka hore ee ay doontu dhaqaaqaysayba xaaladdeedu aad u liidatay.

Mar dhaw kala soco Bandhige faahfaahin warkan la xidhiidha.

tahriibayaal 2

bandhige@gmail.com