Doorashada Mareykanka: Joe Biden Ayaa Ku Guuleystay Xilka Madaxweynaha Dalka Maraykanka

Joe Biden ayaa ku guuleystay tartanka loogu jiro madaxweynaha xiga ee Mareykanka, isagoo ka adkaaday Donald Trump.

Doorashadan ayaa waxaa isku soo baxay tiradii ugu badneyd tan iyo  sannadkii 1900. Biden ayaa ilaa iyo hada ku guuleystay in ka badan 73 milyan oo cod, waana codadkii ugu badnaa ee abid loo qaado murashaxa madaxweyne ee Mareykanka. Trump wuxuu helay ku dhowaad 70 milyan oo cod, taas oo ah tiradii labaad ee ugu badneyd taariikhda taariikhda Maraykanka.

Madaxweyne Trump wuxuu si been ah ugu dhawaaqay inuu isagu ku guuleystey doorashada iyada oo aan tirinta codadka la dhameystirin, waxa uu ku eedeeyey in la musuqmaasuqay isaga oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah oo ku saabsan musuqmaasuq doorashada.

Joe Biden ayaa hada dib ugu soo laabanaya Aqalka Cad, halkaas oo uu ka shaqeynayay muddo sideed sano ah oo uu madaxweyne ku xigeen u ahaa Barack Obama. waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee soo mara taariikhda maraykanka waxa uu jiraa 78 sano, rikoodhkan ayaa waxa hore u haystay ninka uu hadda ka adkaaday ee Donald Trump, waana 74 jir.

Bandhige@gmail.com