Doorashada Turkiga iyo saameynta ay natiijadu ku yeelanayso Soomaaliya iyo dalalka Islaamka

Wareeggii kowaad ee doorashada Turkiga ayaa shalay lasoo gabagabeeyay iyada oo wareegga labaad loo qaban doono labada musharrax ee isugu soo haray 14 cisho kadib – Racep Tayyib Erdogan oo matalaya xisbiga talada haya iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah musharraxa matalaya isbahaysiga mucaaridka ah, haddaba waxaa doorashadan il gaar ah ku eegaya waddamada Islaamka, iyada oo la filayo in natiijadu ay saameyso xiriirka Turkigu la leeyahay waddamada Islaamka.

Kemal Kilicdaroglu ayaa ol’olihiisa ku ballan qaaday in uu dimuqraadiyadda xoojin doono isla markaana Turkiga uu saaxiibadiisii ku cilin doono, taas oo uu ula jeedo galbeedka, saas darteed haddi uu soo boxo Kemal waxaa la filayaa in uu isbaddel weyn ku yimaad nooca xiriir ee uu Turkiga la leeyahay waddamada bariga sida Ruushka oo uu la leeyahay xiriir ka diirran ka xulafadiisu (NATO) la leedahay iyo sidoo kale Shiinaha oo isna xifaaltan siyaasadeed oo ganacsi ku salaysan kala dhexeeyo Maraykanka balse Turkigu la leeyahay xiriir dabacsan.

Balse halka isha lagu wada hayo ayaa ah, Waddamada Islaamka siiba kuwa bariga dhexe oo uu xiriirka ay Turkiga la leeyihiin soo wanaagsanaan hayey dhawaantan, xilli uu wada hadal u bilowday Turkiga iyo Masar oo iskagasoo hor jeeday kalana taageerayay dhinacyadii ku dagaalamayey Libya.

Xiriirka uu Turkigu la leeyahay Imaaraatka iyo Sucuudiga ayaa isna la hagaajiyey xilli Suuriya ay dib ugusoo laabanayso ka mid noqoshada Ururka Carabta ka dib markii ururkan laga saaray 2011 kii.

 

Xigasho:BBC somali

Bandhige@gmail.com