Doorashadii Burundi oo dib loo dhigay

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza wuxuu dib u dhigay doorashada baarlamaanka ee Burundi muddo hal todobaad ah oo ku beegan June 2-deeda, sida uu la-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Warbaahinta iyo xidhiidhka Willy Nyamitwe u sheegayย  wakaaladaha wararka.

Waxa loo ballansanaa doorashadu in ay qabsoonto 26-ka May, laakiin La-taliye Willy Nyamitwe wuxu ku doodayaa in dib loo muddeeyey kadib markii Guddida Doorashooyinka Qaranku ay sidaas dalbadeen.

Todobaaddadii u dambeeyey waxa caasimadda Burundi ee Bujumbura hadheeyey qalalaase ka dhashay mudaharaadyo ay dhigayeen dadweyne ka gadooday in Madaxweyne Pierre Nkurunziza mar saddexaad isu soo taago doorashada madaxweynenimo.

Todobaaddo gudahood waxa rabshadahaas ku geeriyooday ugu yaraan toban qof. Sidoo kale rabshaduhu waxay sababeen inqilaab dhicisoobay oo Madaxweyne Nkuruziza fara cidood kaga badbaaday.

Hase ahaatee mudaharaaddadii dadweynuhu samaynayeen may joogsan oo halkoodii ayay ka sii socdaan.

Mucaaradka Burundi iyo ururrada xuquuqda aadamaha ayaa Madaxweyne Nkurunziz ku eedeeyey in uu jabiyey dastuurkii dalkaas kadib markii uu shaaciyey musharaxnimadiisa doorashada madaxtooyada iyadoo haddii uu ku guuleysto ay noqonayso markiisii saddexaad dastuurkuna ogol yahay laba goor oo kaliya.

Waxa kale oo ay ku eedeeyeen in markii inqilaabku fashilmay uu aargoosi kula kacay saraakiil iyo ciidan door ah oo inqilaabka lala xidhiidhiyey. Eedahaas oo uu Madaxweynuhu dhammaantood diiday.

 

Warkan waxa isku duba-riday Maxamed M. Dhamac.

bandhige@gmail.com