“Doorashadii Golaha Wakiilladu waxay u dhacday si xalaal ah. Xukuumadduna waxay ku dhaqmaysaa natiijadii ka soo baxday” Wasiirka Warfaafinta

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland oo fiidkii shir-saxaafadeed ku qabtay madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxay in doorashadii Golaha Wakiilladu ay u dhacday si xalaal ah oo aan madmadow lahayn, la isugu hambalyeeyey, natiijadeedana aanay doodi ka furnayn.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxa ku guulaystay Baashe Maxamed Faarax. Xildhibaankii la tartamay ee Talyanle iyo Guddoomiyaha Wakiilladuna waa ay hambalyeeyeen. Xukuumadduna waxay qaadatay natiijadaas.”

Wasiirka madaxtooyadu wuxu soo-laba-kaclaynta Talyanle ku eedeeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, wuxuuna ku sheegay in ay Waddani doonayaan in ay khalkhal abuuraan wakhtiga doorashada ka horreeya.

Wasiirka warfaafintu wuxu ku hanjabay in aanay jiri doonin laba qof oo Guddoomiye sheegta isla markaana ay xukuumaddu u igman tahay ilaalinta Dastuurka.

Hoos ka daawo muuqaalka shir-saxaafadeedka.