Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay laba magaalo kala wareegeen dagaalyahannada Tigray

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay laba magaalo ka qabsadeen xoogagga kacdoonka ee woqooyiga gobolka Tigreega ee Itoobiya, dowladdu waxay sheegtay jimcihii, in dagaalyahannada Tigreegu gantaallo ku garaaceen garoon diyaaradeed oo ku yaal gobolka deriska la ah ee Axmaarada.

Gantaalka lagu tuuray Bahir Dar, wuxuu dhaliyay walaac laga qabo in dagaalka u dhaxeeya Tigreega iyo dowladda dhexe ay u wareegi karto dagaal ballaadhan.

Qaramada Midoobay ayaa dhanka kale sheegtay in ay qorsheyneyso ilaa 200,000 oo qaxooti ah oo u qaxaya dalka deriska la ah ee Sudan.

Ku dhawaad kumanaan, dad ah ayaa la dilay tobanaan kun oo qaxooti ahna way ka carareen dagaalada ka socda Tigreega iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu isku hayo umadiisa kala duwan. Ciidamada dawlada Itoobiya ayaa jihooyin dhowr ah ugala dagaalamaya dhanka magaalada Mekelle ee caasimada Tigrayan.Bayaan ay soo saartay dawladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen magaalooyinka Axum iyo Adwa. Hadda waxay kusii siqayaan magaalada Adigrat, oo qiyaastii 120 km waqooyiga ka xigta Mekelle, magaalo madaxda gobolka Tigray oo ay ku nool yihiin qiyaastii nus milyan qof.

Bandhige@gmail.com