Dowladda Soomaaliya oo shaacisay waqtiga ay qaadeyso Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu yiri” Haddaba waxaa la farayaa Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo Maamulayaasha in ay u diyaar garoobaan Imtixaanka Maalmaha yar ee ka dhiman”

Dowladda Soomaaliya ayaa sanad kasta Bisha May waxaa ay qaadaa Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, kaas oo laga qaadayo Ardayda kunool Muqdisho iyo dowlad Goboleedyada marka laga reebo Puntland

Bandhige@gmail.com