Dufcadii 7aad Ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Saaxil oo Tababarkii u soo xidhmay

Dufcadii 7aad Ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Saaxil oo Tababarkii u soo xidhmay

 

Wasiir xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa maanta tababar u soo xidhay dufcadii 7aad ee ciidanka Dab-demiska Somaliland ee gobolada Sool, Sanaag iyo Saaxil.

Ugu horayn taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo halkaa ka hadlay ayaa ka warramay marxaladihii uu soo maray ciidankani, waxaanuu sheegay in 7 sanno oo ciidanku jiro iyo dufcadii todobaad ee ciidanku ay isku soo beegantahay. Taliyaha ayaa dardaraano, talooyin iyo awaamir halkaa ka faray dhalinyaradaa maanta qalinjabisay.

 

Masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha guud ee Ciidanka Dab-demiska, Maayarda Hargeysa, Boorama, Laascaanood iyo wajaale, xoghayaasha dawladha hoose ee  Berbera iyo Hargeysa, xildhibaan ka socday Ceerigaabo,badhasaabka gobolka togdheer, Suldaan Axmed Daahir iyo taliye xigeenka ciidanka ilaalada xeebaha ayaa dhamaantood ammaan iyo dardaarano kala duwan u soo jeediyay dufcadaas maanta tababarku u soo xidhmay, waxaanay kula dardaarmeen inay qaranka ugu shaqeeyaan daacadnimo.

 

Mayorka Caasimada Hargeysa ayaa dhankiisa ballanqaaday Laba neef oo Geella in ciidankaa tababarka dhamaystay loo qalo, sidoo kale wuxuu ballanqaaday gaadhi Dab-demis ah oo uu ku wareejinayo magaalada Laascaanood.

 

Ugu dambayn wasiir xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid oo halkaas ka hadlay ayaa ka hadlay marxalidhii waddanku soo maray iyo halka maanta uu marayo, waxaanuu aad u bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ciidanka Dab-demisku u hayo qaranka.

 

Wasiirka ayaa dhankiisa hadalo dardaaran u badan u jeediyay dhalinyaradaas waxaanuu ku adkeeyay in shaqada dabdemisku ay u baahantahay dhabar adayg iyo dulqaad loona baahanyahay inay ku samraan.

 

Xafiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

990/Gurmadka Degdega ah

Somalilandfire@gmail.com