Dugsi loogu magac daray East Africa Star oo lagu baran doono manhajka Itoobiya ayaa Boorama laga furay

Dugsigii ugu horeeyey ee lagu barto manhajka Itoobiya ayaa laga furay Boorama kaas oo loo bixiyey East Africa Star. Dugsigan ayaan dugsi ay furteen jaaliyada Itoobiya u dhashay ee degan Borama.

Munaasabada daahfurka dugsigan EAST AFRICAN STAR ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiir-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Gobolka Awdal, Kan dagmada Boorama, Madaxda Jaaliyada Itoobiya ee ku dhaqan Gobolka Awdal, Salaadiin, cuqaal, waxgarad iyo dadwayne aad u tiro badan.

Madashan ayaa waxa ka hadlay Maamulaha dugsigan Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax isagoo ka hadlaya ujeedada dugsigan loo aasaasay waxa uu yidhi:

“ Dugsigan EAST AFRICA STAR ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga furo dalka oo ah dugsi ka sharciyaysan Itoobiya iyo Somaliland-ba, Manhajka dugsigu waxa uu noqonayaa manhajka Itoobiya, oo uu ku ladhan yahay manhajka Somaliland iyo kan Islaamiga ah ee aan dhaqanka u leenahay, dugsigu waxa uu ka koobnaan doonaa min KG-(Xadaanad) Ilaa dugsi sare, waxana mar hadii uu manhajkiisu yahay mid Itoobiya ah aan meesha ka maqnayn in uu bixin doono shahaado Itoobiya ah oo uu qofka dugsigan ka baxaa si toos ah wax uga baran karo gabi ahaanba dalka Itoobiya, dabcan dugsiga waxa wax ka dhigi doona macalimiin aan ku soo xulanay karti iyo aqoon hufan oo waayo aragnimo qoto dheer u leh wax dhigista, waxaana ay dhammaantood haystaan shahaadooyin sare, intaasi waxa dheer in dugsigu uu bilaabmi doono maanta oo aan daahfurayno waxa ka dambeeyay, waxaana aan rajaynaynaa in uu bulshada wax wayn ku soo kordhiyo.”

Sido kale waxa ka hadlay mid ka mid ah mulkiilayaasha dugsigan Cumar Xasan Khayre waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Dugsigan waa midkii ugu horeeyay ee Jaaliyadeed ee laga furo dalka, taas oo ay Boorama noqotay meeshii ugu horaysay ee aan ka furno, waxana noo qorshaysan in aan mustaqbalka ka furno xarumo kale magaalooyinka kale ee Somaliland. Dugsigan EAST AFRICA STAR la tayo yahay dugsiyada kale ee dalka Itoobiya ku yaala, waxaana ay dulucdiisu yahay in la siiyo fursad Jaaliyada Itoobiya ee ku dhaqan Somaliland oo aad u tiro badan, iyo sidoo kale dadka kale ee ku dhaqan gobolka Awdal oo iyagu ah kuwo xidhiidh gaar ah oo sokeeye la leh Itoobiya, fursada uu siinayo dugsigana waxa ay tahay in uu soo saaro arday tayo leh oo luqada Amxaariga iyo Luqadaha kale ee Ingiriisugu ugu mudan yahay si wanaagsan ugu hadla, isla markaana qiyamkooda akhlaaqiyeed iyo kooga damiir ahaaneedba dhisan yahay oo gudbin kara fariimaha muhiimka ah ee dhinaca bulshada iyo dhinaca wax barashadaba, sidaas darteed, waxa aan maanta dareensan nahay in dugsigan EAST AFRICA STAR ee la furay uu yahay dugsi lagu wada faraxsan yahay, waxaana lagama maar maan ah si guul ay u noqoto midhahiisu in iyada oo gacmaha la is wada haysto la taageero dugsiga, qofwalbana uu masuuuliyadiisa ka soo baxo, Insha’allahna dugsigu uu noqon doono mid dalka iyo dadkaba anfaca.”

Guddoomiyaha Jaaliyada Itoobiya ee Somaliland   Axmed Nuux Jaamac (Deero) oo isaguna hadalka qaatay ayaa soo dhaweeyay dugsigan waxaana uu yidhi:

“Aad ayaan ugu faraxsan ahay dugsigan hadii aan nahay Jaaliyada Itoobiyaka ah ee ku dhaqan Somaliland gaar ahaan Awdal, dugsigani waa mid aan muddo dheer ku taamaynay, waxaana uu noqon doonaa dugsi ay carruurtayada iyo eheladayaduba wax ka barato, waxaana aan aad ugu mahadnaqayaa dhalinta isku hawshay ee dugsigan EAST AFRICAN STAR ka furtay Boorama.”

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sheekh Cilmi Naxwe, Xildhibaan Rooble Xoosh iyo madax ka socotay Jaamacadaha Camuud iyo Eelo oo iyaguna hadalka iska daba qaatay ayaa soo dhaweeyay dugsigan EAST AFRICAN STAR, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay dugsi noociisa ah oo kale, waxaanay ugu baaqeen in laga faa’iisaysto, mar hadii dalka Itoobiya uu yahay dal aan jaar nahay oo aan isdhexgal leenahay loona baahan yahay in dhaqankiisa iyo luqadiisaba aan barano, sidoo kale waxa ay maamulka iyo macalimiinta dugsigana kula dardaarmeen in tayada waxbarashada la hagaajiyo.

Maayar Ku Xigeenka Boorama Cumar Ileeye, Xoghaya Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac, Lataliyaha Arrimaha Dibedda ee Madaxweyne-xigeenka, Xildhibaano Golaha Wakiilada ah iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo iyaguna hadalka iska daba qaatay ayaa waxa ay soo dhaweeyeen dugsigan EAST AFRICAN STAR, waxaana uu Wasiir-xigeenka Waasira waxbarashadu si gaar ah u carab dhabay in uu dugsigani yahay mid ay ruqsad siisay Wasaarada Waxbarashadu isla markaana laga furay meeshii ku haboonayd, mar hadii ay Boorama tahay magaalada ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka Jaaliyada Itoobiya ah ee ku dhaqan Somaliland, waxaana ay wada jir u hambalyeeyeen dugsiga iyaga oo dadwaynaha ugu baaqay in laga faa’iidaysto culuunta uu bixinayo dugsigan EAST AFRICAN STAR.

Halkan hoose ka Daawo wark furitaanka Dugsigan:

 

bandhige@gmail.com