Dugsiga sare ee Boorama oo ardaydii u horeysay ka qalin jabisay

Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtey xarunta dugsiga sare ee Boorama, taasi oo ay ka soo qayb galeen ardayda dugsigaas dhigata, waalidiin, macalamiinta, wafdi balaadhan oo ka socday hay’ada dacwada Islaamiga ee Suudaan iyo marti sharaf kale.

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigey suugaan iyo fan kale oo kala duwan kuwaas oo ay soo diyaariyeen ardayda qaar a mid ah.

Waxaa halkaas ugu horeyn ka hadlay Dr. Maxamed Cali Nageeye oo ah kormeeraha guud ee hay’ada dacwada Islaamiga ah ee Suudaan gobolkeeda Awdal waxaanu sheegay in ay ka midho dhaliyeen ujeedadoodii ahayd in ay soo saaraan arday tayo leh oo ka baxda dugsan.

Waxaanu intaas ku darey: “ maanta waxaan u dabaal degaynaa lix iyo tobankii arday ee ugu horeeyey ee iskuulka sare ee Boorama ka qalin jabiya kuwaas oo dhamaantood ay abaal marin u heleen in ay deeq waxbarsho ka helaan jaamacada Afrika ee Caalamiga ah ee ku taala wadanka Suudaan,waana wax Ilaahay loogu mahadiyo in araday intaa le’eg ay waxbarsho bilaash ah ka helaan wadan ka mid ah wadamada aan walaalaha nahay ayuu yidhi Dr.Nageeye”.

IMG_0139Waxaa isna sidoo kale ka hadlay xaflada Ayuub Nucaym Cabdulqaadir oo ku hadlaayey magaca gudoomiyaha guud ee hay’ada isaga oo sidoo kalena wakiil uga ah guud ahaan Soomaaliland, waxaanu Ayuub cabirey sida uu ugu faraxsan yahay in maanta afar sano ka dib ay arkaan ardaydii ugu horeysay ee ka baxda dugsigan,waxaanu intaas ku darey : “ shalay riyo ayey ahayd maantana waxaan isku dareynaa in aan xafladooda u dabaal degno ilsma markaan lix iyo tobanka arday   aan  sii sagootino isla markaana ay ka bilaabaan wax barasho jaamacadeed jaamacada Afrika ee caalamiga ah”.IMG_0149

Waxaa iyaguna ka hadlay araday,waalidiin iyo masuuliyiinta waxbarshada gobolka Awdal oo sheegay dhamaan in ay aad ugu faraxsan yihiin ardayda maanta ka baxdey iskuulkan isla markaan deeq waxbarasho ka helay wadanka Suudaan.

Waxaa xusid mudn in dugsiga sare ee Boorama yahay iskuulka kaliya ee ku yaala gobolka Awdal ee waxbarshadiisu ay ku baxdo luuqada Carabiga  isla markaana ay dhigaan macalimiin Suudaani ah oo dhamaan manhajkiisa waxbarshdu yahay mid la mid ah kuwa wadanka Suudaan lagu dhigto, waxaana iskuulkan la aas aasey afar sano ka hor.

Ardayda maanta ka baxdey ayaa tiradoodu dhan tahay 16 ardey kow iyo toban wiil iyo shan hablood kuwaas oo dhamaantood deeq waxbarsho ka helaan jaamacad Afrika ee ku taala Suudaan.