Dugsiyada Kiiniya oo xidhan todobaadkii saddexaad

Macalimiinta oo dalbana in mushaharka loo kordhiyo ayaa shaqo joojin sameeyey todobaadki saddexaad, kaas oo ay dalbanayaa in boqolkiiba 50% loo kordhiyo mushaharkooda oo ay dawladdu diday.

Dhinaca Maxkamadda Kiiniya ayaa amartay in mushaharka loo kordhiyo macalimiinta.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in macalimiintu qaataan lacag ku filan oo haddii loo kordhiyo mushaharka in ay saameyn ku yeelan doonto miisaaniyada dawlada.

Dawlada iyo macalimiinta ayaa isku maandhaafsan heshiish ay wada galeen dawladda iyo macalimiinta oo dawladdu ku doodayaan in heshiishkaas la wada fuliyey, halka macalimiintuna sheegeen in aan heshiiskaa lawada fulin.

Shaqo joojinta macalimiinta ayaa bilaabantay bilowga bishan, iyagoo macalimiintu ku adkaysanaya in ay dawladdu fuliso amarka Maxkamadda.

Dawladda ayaa fartay in ardaydu tagaan Dugsiyada laakiin ma cadda in ay macalimiintu joogaan iyo in kale. Ardayda ayaa bisha danbe u fadhiisan doona imtixaankoodii dugsiga.

bandhige@gmail.com