Dunida oo heshiis taariikhi ah ka gaadhay xakamaynta is-beddelka cimilada

Hoggaamiyeyaasha adduunka oo todbaadkii ugu dambeeyey ku shirsanaa Paris ayaa ugu dambayntii gaadhay heshiis lagu tilmaamay taariikhi oo lagu xakamaynayo cimilada adduunka ee is-beddelaysa.

Heshiiskan oo ah mid aan la filaynin in isla shirka gudihiisa lagu gaadhi doono wuxu dhacay kadib markii sannado badan la isku af-garan la’aa sida loo xakamaynayo iyo in la gaadho heshiis sharci ah oo maxkamadda caalamiga ahi korka ka eegto.

Waxa Paris isugu yimkid 195 dal kuwaas oo qalinka ku duugay heshiiskan. Heshiiskani wuxu suurto-galay kadib markii ay wada-xaajood sameeyey saddexda dal ee dunida qiiqa kaarboonka ugu badan ku sii daaya kuwaas oo kala ah Maraykanka, Shiinaha iyo Hindiya.

Heshiiskani wuxu wax ka beddelayaa tamartii adduunku isticmaalayey ee saldhigga u ahayd dhaqaalaha adduunka kaas oo ah shidaalkii la soo isticmaalayey laga soo bilaabo qarniyo ka hor curashadii Kacaankii Warshadaha.

Is-beddelka cimilada adduunka oo la sheegay in uu dhulku isu-gayn kululaaday 1°C ayaa dhibaato weyn u gaystay dunida, gaar ahaan dunida soo koraysa oo aan iyagu ahayn kuwa qiiqa cirka ku sii daaya. Kulaylka dhulku wuxu keeno fatahaado, abaaro, heerka badda oo kor u kaca sida ay tibaaxeen saynisyahannada arrintan aqoonta u leh.

Dhibaatooyin kale oo kuwan ka daran oo dunida ku soo socda ayaa la sheegay in heshiiskani ka hor tagayo. Sidoo kale waxa la sheegay in heshiiskani wuu wax ka tari doono dhibaatooyinkii ay hore u sababtay is-beddelka cimiladu.

Bandhige@gmail.com