Duqa Caasimada oo Sheegay inay Cashuur ku soo Rogayaan Baraha Baabuurta la Dhigto

Duqa Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay inay dhammaystireen sharci cashuur ku waajibinaya goobaha baabuurta la dhigto, si loo yareeyo samxada magaalada dhexdeeda ee Gaadiidka.

Maayarku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ganacsatadu ay sameeyaan goobo baabuurta la dhigto oo saacadiiba lacag laga qaado qofka wata.

Tallaabadan ayaa ah mid baahi weyn loo qabay oo ay dadweynuhu kaga baxi karaan samxada iyo cidhiidhiga gaadiidka ee ka jira Caasimada Hargeysa maalin iyo habeenba.

Waxa kaloo hirgelinta arrintani ay kor u qaadaysaa dakhliga dawladda hoose Hargeysa iyo ganacsatada samaysa qorshaha barta baabuurta la dhigto oo magaalada aan ka jirin, baahina loo qabo.