Duqayntii Sanca oo wali socota iyo dhimashada Soomaalida oo kordhaysa

Duqaynta aan kala-joogsiga lahayn ee xulufada Sucuudigu ku hayaan Yemen, gaar ahaan magaalo-madaxda Yemen, ayaa weli soconaysa iyadoo ay dhibaato badani ka soo gaadhay qaxootiga Soomaalida ah ee halkaas deggan.

Khasaarihii u dambeeyey waxa la ogaaday Jimcihii iyadoo ay weerraradii ugu dambeeyey ku naf waayeen shan haween ah oo Soomaali ah oo saddex ka mid ah wajiyadooda la aqoonsan kari waayey dhaawaca gaadhay oo culus dartiis.

Haweeynay guddoomiye ah u ah jaaliyadda Soomaalida ee Sanca oo la yidhaa Dahabo Cabdi Faarax ayaa ayaa idaacada VOA-da u xaqiijisay inay shantaasi dumarka ah ee Somalida ahi ay dhinteen maalintii Arbacadii.

Shantan dumarka ah ee Somalida ah ayaa uu gantaal ku dhacay iyaga oo saarnaa baabuur ay ku shaqo tagayeen sida ay sheegtay dahabo.

Yemen ayaa hoy u ahayd kumannaan qaxooti Soomaali ah kuwaas oo markii dagaalku ka bilaabmay Yemen ay qaarkood dhulka Soomaalida dib ugu soo laabteen qaar badanina ay weli ku negi yihiin. In kastoo xulufada Sucuudigu aanay Soomaalida si gaar ah u beegsanayn haddana waxa marba marka ka dambeeya isa soo taraya tirada khasaaraha soo gaadhay Soomaalida ku bayhoofsan Yemen.

Bandhige@gmail.com