Duqeynta Ruushka ee gudaha Suuriya oo gashay maalintii labaad

Duqeynta Ruushka ee gudaha Suuriya ayaa gashay maalintii labaad. Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalku ay mar kale bar-tilmaameedsadeen goobo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada kooxda Khilaafada Islaamiga ah, oo ay ku jiraan godad ay rasaasta ku kaydsadaan.

Ruushka ayaa sheegay in ay baacsanayaan Kooxda Dowladda Islaamiga ah iyo kooxaha kale ee aadka loo yaqaan, waxa ayna bar-tilmaameedyada ku xulanaysaa iyadoo la shaqeynayso milateriga Suuriya.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa waxa ay ku eedeeyeen Ruushka in uu isku dayayo in uu Madaxweyne Bashaar Al-Assad ka caawiyo in uu weeraro fallaagada qunyar socodka ah.

Mareykanka waxa uu Ruushka ku eedeeyay in duqaymiisu ay yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo mucaardka Madaxweyne Asad, waxa uuna ka digay in duqaymahaasi ay sii fogayn karaan colaadda ka aloosan Suuriya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa si adag u difaacay tallaabooyinka dalkiisa uu ka sameynayo gudaha Suuriya.

Tan iyo shalay markii uu Ruushku bilaabay duqaynta Suuriya waxa bilaabmay wada-hadallo u dhaxeeya Maraykanka iyo Ruushka oo ay ku xalinayaan kala-duwanaanshahooga arrinkan la xidhiidha.

Ruushka iyo Maraykanka ayaa laba dhinaca ka kala taagan arrimaha Suuriya, balse labadooda weeraro ka gaystaan gudaha Suuriya iyaga oo aragti ahaan ka midaysan la dagaalanka Khilaafada Islaamiga ah.

bandhige@gmail.com