Duulimaadkii koowaad ee flydubai oo Hargeysa soo caga-dhigtay

Diyaaraddii koowaad ee aan Afrikaan ahayn oo magaceeda la yidhaa flydubai ayaa maanta soo caga-dhigatay Hargeysa.

Toddobaad kasta diyaaraddani ugu yaraan afar jeer ayay adeeg duulimaad ka samayn doontaa Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, Hargeysa.

Xafladdii lagu daah-furayey duulimaadkii koowaad ee fly Dubai waxa ka qayb-galay Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland ahna Ku-Simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”, Wasiirka Duulist iyo Gaadiidka Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo madax kale oo ka tirsan xukuumadda Siilaanyo.

Dhanka kale wefti sare oo ka tirsan golaha fulinta ee flydubai oo uu hor kacayo Maareeyaha Guud ee shirkadda flydubai Ghaith Al Ghaith iyo Sudhir Sreedharan oo ah Madaxweyne-Ku-Xigeenka Ganacsiga Gacanka Khaliijka “GCC” iyo Afrikada Saxaaraha ka hoosaysa, ayaa maanta dayuuradda la socday kana soo dagay madaarka Cigaal si ay xafladda uga qayb-galaan una weyneeyaan.

“Waxanu awoodda saarnaa suuqyada ay ku yar yihiin duullimaadyadu. Shaqadan ay diyaaraddayadu Hargeysa ka bilawday waxay fursad siin doontaa qurbe-joogga Soomaalida ee jecel in ay dalkooda yimaadaan soona booqdaan qaraabadooda. Waxay ka faa’iidaysan doonaan 250 meelood oo diyaaraddan iyo xidhiidhadeedu duulimaad ku tagaan dunida” ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee flydubai Ghaith Al Ghaith.

Flydubai
Maareeyaha flydubai Ghaith Al Ghaith, Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland iyo Wasiirka Duulistu waxa ay shir jaraa’id ugu qabteen maddaarka Hargeysa

War-saxaafadeed ay casarkii maanta baahisay shirkadda APO oo warbaahinta u qaabilsan flydubai waxa lagu sheegay in ay flydubai ka go’antay adeegyo rakaab iyo kuwo dhinaca kaargooga ah oo tayo leh iyo in ay isku xidho ganacsiga Somaliland iyo Dubai iyo dunida kale ee ay diyaaraddani u safarto.

flydubai waxa ay isticmaashaa jiilka cusub ee diyaaradaha Boeing 737-800 kuwaas oo cabir ahaan 48 fuudh gudub u dhereran, isla markaana cusub oo celcelis ahaan da’doodu aanay ka badnayn 3 sanno.

Flydubai3
Madaxweyne-ku-Xigeenka iyo Madaxda flydubai oo u taagan qaddarinta heesta calanka Somaliland
Kooxda hiddaha iyo dhaqanku waxay ka qaybqaateen xafladdii maanta
Kooxda hiddaha iyo dhaqanku waxay ka qaybqaateen xafladdii furitaanka flydubai

Tigidhada diyaarada waxa laga goosan karaa internet-ka adiga oo booqanaya mareegta cinwaankeedu yahay wwwflydubai.com .

Wixii faahfahin ah waxa lagala xidhiidhi karaa:

Daniya Zaynullina
Sarkaal sare oo warbaahinta qaabilsan

daniya.zaynullina@flydubai.com