Eeraan oo sheegtay in Sucuudigu weeraray safaaradooda Yemen iyo Soomaaliya oo xidhiidhka u jartay

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Eeraan ayaa sheegtay in Sucuudigu weeraray safaaradda Eeraan ku leedahay Sanca, taas oo khasaare soo gaadheen shaqaalihii  ka shaqeynayey.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Eeraan iyo Sucuudiga ayaa haatan waxa uu isku shareeray iyadoo waddamada xidhiidhka diblomaasiyeed u jara Eeraan ay isa soo tarayaa.

Weeraradda badan oo dhinaca ayaa waxay isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayaa ku qaadeen Sanca 24-kii saacadood u dambeeyey balse weriye ka tirsan BBC-da oo tegay goobta ay safaaraddu ku taalo ayaa sheegay in aanay safaaradda wax duqeyn ahi ka muuqan.

Soomaaliya ayaa waxay maanta ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jareen waddanka Eeraan oo ay ku eedeeyeen in qalalaase ka wadday guddaha Soomaaliya iyo caalamka Islaamka.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa u qabatay safiirka Eeraan iyo dibloomaasiyiinta kale ee ku sugan guddaha Soomaaliya in ka baxay muddo dhan 72 saacadood.

Urrurka Jaamacadda Carabta oo isku imanaya shir degdeg ah ayaa waxay ka shirayaan xaaladan cusub ka dhaxaysa Sucuudiga iyo Eeraan, inkastoo waddamada badan oo ku jaamacadda Carabtu la safteen Sucuudiga, balse ma jiro waddan la saftay Eeraan oo ku dhaqaaqay talaabada ay qaadeen waddamada Sucuudiga la saftay.

bandhige@gmail.com