Eeraan waxay cambaareysay cunaqabateynta Maraykanku ku soo rogay gantaalaheeda

Eeraan oo ay Golaha Ammaanku ka qaadeen cunaqabateyntii dhinaca dhaqaalaha ka dib markii ay ka tanaasushay in ay samaysato hubka nugliyeer, ayaa waxay uu Maraykanku saaray cunaqabateyn cusub oo uu ku bartilmaameedsanayo barnaamijkeeda gantaalaha.

Iyadoo xidhiidhka Eeraan iyo Maraykanku maalmihii tegay ahaa mid soo wanaagsanaanayo ayaa waxay Eeraan caambaaraysay cunaqabateyntan cusub ee Maraykanku ku soo rogay barnaamijka gantaalaha Eeraan.

Afhaheenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Eeraan Hossein Jaber Ansari, ayaa sheegay in Eeran ay jawaab ka bixin doonto arrintaas, sarena u qaadi doonto barnaamijka gantaalaha la hago ee sharciga ah iyo awoodaheeda difaaca.

Eeraan ayaa waxay tijaabisay gantaalaheed sannadkii hore, inkasta oo ay dhalleecan xoogan kala kulantay Maraykanka iyo waddamada reer galbeedka, kuwaas oo ku tilmaamay tijaabadan Eeraan mid xadgudub ah oo jabinaya qaraarada Qaramada Midoobay.

Maraykanka iyo Eeraan ayaa waxay sii daayeen maxaabiis ay kala kuwaasa oo uu Maraykan sii daayey ragga ku eedaysnaa in ay ay jabiyeeen cunaqabateyn hubka ee Saarnay Eeraan.

 

 

bandhige@gmail.com