Erdogan iyo Trump waxay ku kulmayaan Washington todobaadka soo socda

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu kala hadli doono dhigiisa dalka Maraykanka Donald Trump goโ€™aanka ay dawladda Maraykanka ku qalabeyneyso malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya, marka ay ku kulmaan magaaladan Washington todobaadka soo socda.

Erdogan wuxuu sheegay in dagaal ka dhan ah koox argagixisa ah aysan qaadi karin koox kale oo argagixisa ah. Tallaabadaasi wuxuu tilmaamay mid khatar gelin karta mustaqbalka Suuriya iyo gobolkaba.

Kooxda Kurdiyiinta Suuriya ee loo soo gaabiyo YPG ayuu Maraykanku u aqoonsan yahay tan ugu waxtarka badan marka ay timaado kooxaha ku sugan Suuriya ee la dagaalamaya kooxda Daacish.

Hase yeeshee Turkiga ayaa u tixgeliya PKG in ay tahay koox argagixisa ah oo ka bar-bar dagaalanta fallaagada Kurdiyiinta PKK.

Madaxweyne Erdogan ayaa booqasho ku imaan doona magaaldan Washington todobaadka soo socda, booqashadan ayaa loo arkaa tan ugu muhiimsan kadib guushii uu kasoo hooyey aftidi muranka dhalisay ee awoodaha u kordhisay ee dalkaasi ka dhacday 16-kii April.

bandhige@gmail.com