Shalay waddanka Ereteriya waxaa lagasoo wariyay in bukaankii ugu dambeeyay ee qaba xanuunka Covid-19 uu ka bogsaday isla markaana lagasoo saaray cibitaalka.
Waxaa xusid mudan in Ereteriya ay tahay waddanka kaliya ee Afrikan ah ee diiday xidhmooyinka tijaabada caafimaad iyo qalabka ilaalinta shaqsiyadeed ee loo yaqaan PPE kuwaas oo Shiinuhu ku caawiyay dalalka Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Ereteriya maaha waddanka kaliya adduunka oo dhan ee diiday gargaarka caafimaadka ee Shiinaha. Waddamo dhawr ah oo ka tirsan midowga Yurub ayaa diiday. Waddamada diiday qalabka shiinaha waxaa kamid ah Boqortooyada Ingiriiska waxaanay ku sheegeen mid aan lagu kalsoonaan Karin oo khatar ah.
Dhanka kale, dawladda Ereteriya ayaa sheegtay in maalinta Axada, waddankaasi laga samayn doono baadhis ballaadhan oo ah xanuunka Covid-19.
Tirada dadka laga helay xanuunka Covid-19 ee Ereteriya ayaa ahaa 39 qof kuwaas oo dhammaantood ay kazoo kabteen.
Bandhige@gmail.com