Ergaygii Midowga Yurub Oo Guuldarro Kala Carraabay Hargeysa Oo Uu U Yimid Muranka Xubno Ka Tirsan Guddiga Cusub Ee Doorashada

Ergayga Midowga Yurub danjire  Berlanga Martinez, ayaa weji gabax siyaasadeed kala carraabay Hargeysa, ka dib markii aanu ku guulaysan ujeedada socdaalkii uu u yimid.

Danjire  Berlanga Martinez, ayay ujeedada socdaalkiisu ahayd sidii uu Madaxweyne Biixi ugu qancin lahaa inuu dib ula noqdo xubinimada uu guddiga doorashada u soo xulay siyaasiga Cabdirashiid Riyo-raac oo ay xisbiyada mucaaradku ka horyimaadeen inuu guddi doorasho ka mid noqdo iyagoo ku eedeeyay inuu ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE.

Ergayga ayaa wuxuu kulan la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka. Madaxweyne Biixi ayaa sida ay warar xogogaal ahi u sheegeen Geeska Afrika wuxuu ergaygu Madaxweynaha ka codsaday inuu la laabto xubinimada guddiga doorashooyinka ee Cabdirashiid Riyo-raac, taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka gaws adaygay.

Sida uu warku sheegay Madaxweyne Biixi ayaa ku dooday in haddii uu jiro sharci u diidaya in Cabdirashiid Riyo-raac ka mid noqdo guddiga doorashada ay golaha wakiiladu soo celin doonaan, markaas oo uu balan qaaday inuu bedeli doono, Golaha wakiilad ayuu Madaxweynuhu ku sheegay hay’adda awooda u leh inay hufto oo kala haadiso xubnaha toddobada xubnood ah ee loo soo gudbiyay.

Ergayga oo sidoo kale kulamo kala duwan la yeeshay madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID iyo weliba shirguddoonka golaha wakiilada, ayaa ka dhoofay Hargeysa isagoo ka niyad jabsan inuu guul ka gaadhi waayay ujeedadii uu u socday.

Diblomaasigan ayaa hore ugu guulaystay inay Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradku ka soo gudbaan khilaafkii ka taagnaa dhismaha guddiga doorashooyinka ee cusub, ka dib markii uu dhex dhigay isfaham siyaasadeed oo sababay in la soo magacaabo xubnahan hadda ay caqabaduhu hortaaganyihiin.

Xigasho: wargeyska geeska afrika