Faadumo Siciid oo safar ugu maqneyd dalka dibadiisa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay

Faadumo Siciid  oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay ka dib markii ay muddo safar ugu maqneyd dalka dibadiisa.

Faadumo Siciid  oo ka  hadhashay ujeeddada safarkeedii ayaa waxay tidhi:

 “Safarkeygu waxa uu ku Saabsanaa booqasho aan soo booqanaayey laamaha dibadda ee xisbiga Waddani ee Mareykanka Iyo Kanada Iyo waliba dalka Jarmalka oo aan kaga qayb galay casuumad uu noo fidiyey xisbul xaakimka dalkaas.”

Sido kale waxay ka hadashay warqad ay baahisay wakaalada faafisa sirahah dawladdaha ee Wikilikis oo sheegaysay in xukuumadda Somaliland heshiish midow ah la gashay dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaanay tidhi:

 “Horta taas  markii horeba waanu arkeynay san-saanteeda, meegaamkii aanu markii hore ka joognay beesha caalamka maanta kama joogno, meelkasta oo aan maro waxa igaga hor imaneysay Somaliland iyo Soomaaliya wada-hadaladkoodi midho dhal fiican oo federal ah baa ka soo baxay, markaas dee isha ayaa macalin ah oo waad aragtaan.”

Xukuumadda ayaa gebi ahaanba beenisay warqada wikilikis ee beryahan danbe la isla dhex marayey.

 

bandhige@gmail.com