Faallo: Awdal xaggee ayay u socotaa?

Awdal xaggee ayay u socotaa? Waa su’aal ay is waydiinayaan aqoonyahanka, wax-garadka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Awdal. Su’aashaas oo jawaabteeda lagu kala aragti duwan yahay, laakiin dadka badankiisu waxay qabaan haddii wax la saluugsan yahay in ay jiraan wadiiqoon badan oo aan xoog ahayn oo ay dadka gobolku dareenkooda ku muujin karaan kuna gaadhi karaan danta guud ee ay leeyihiin.

Waxase dhab ah in ay jiraan tiro aan badnayn oo jecel rabshad, qulqulatooyin iyo dhacdooyin xanuun badan iyo in codkoodu ka sarreeyo aqlabiyaddu waxa ay rabto. Dareenkaas waxa aad u muujiyey weerarkii habeen dhaweyd lagu qaaday guriga uu deggan yahay Guddoomiyaha Gobolka Awdal kaasi oo dadna ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen. Intaas waxa ku biiray, askartii tartanka ciyaaraha Gobollada nabad-galyadooda wax ka ilaalinayey oo markii hore ama maalmihii hore dulqaad badan muujiyey habeenkii askartaasi dhimatey maalinkeedii iyaguna waxa ay dileen wiil yar iyo gabadh ay dhaawaceen taasi oo murugo kale abuurtey.

Dhacdadan iyo kuwii kale ee sannadkan ka dhacay gobolka ee ahaa amni-daro soo noq-noqotay oo intaba loo tirinayey jabhada Suldaan Wabar oo inta badan aan lahayn magac rasmi ah oo loogu yeedho inkasta oo aad meelaha qaar ku arki karto magaca Awdal Regional Army (ARA), kaas oo aanan hubin in uu rasmi yahay iyo in kale.

Waxa iyaduna dhibka kaalin weyn ka ciyaara xukuumadda Somaliland sida ay uga jawaabto dhacdooyinkan. Maalinkii uu Suldaanku bilaabay kacdoonkaas waxa ay ka eegtay kaliya dhinaca amniga. Kuma ay dayin arrin siyaasadeed, mid dhaqan iyo sidii arrinta nabad loogu furdaamin lahaa. Mar kasta oo ay wax dhacaan jawaabta ay bixisaa waa xadhig, rasaas iyo ciidan badan la soo dhoobo meelaha laga shakisan yahay.

Dadka faraha badan ee hadda ay xukuumaddu u xidhdhidhay dhacdadii dhaweyd waxa ku jira dad ku mucaarid ah arrinta Suldaan Wabar ku kacay, isku hayba ha ahaadeene.  Markaa saw lama odhan karo iyadaa leh is wada racaa haddii aad wax tari kartaan. Taas oo dhinac hiil uga ah Suldaan Wabar, dadkii ay soo dhaweysan lahaayeena sii fogaynaysa.  Mise mar haddii ay isku hayb yihiin waa la hubaa in ay isku siyaasad yihiin? Waa arrin u baahan in laga baaraan-dego.

Markii uu Suldaan Wabar buuraha galay beeshiisa dhammaanteeda (Jibriil Yoonis) wax yidhaahda wuu khaldan yahay Suldaanku ma jirin ama waa ay yaraayeen. Waxaa muuqatay in ay ahaayeen in taageertay in in aamustay. Laakiin dhawr bilood ka dib waxa ay u muuqataa in Suldaanku uu taageero ka hayso qayb ka tirsan beesha jilibkiisa hoose ee Reer Axmed laakiin uu lumiyey taageeradii guud ee beesha. Waxa ay u ekayd in taageerada uu helayaa ay marba marka ka dambaysa sii wiiqmaysa. Laakiin sida ay xukuumaddu ula dhaqmayso waxgaradka ganacsada beeshaas waxa ay keeni kartaa in uu helo taageero hor leh.

Si guud haddii loo hadlo dadka dhallinyarada ah waxa iskaga qaldan in ay kala fahmaan Dawlad (State) iyo xukuumad ama maamul (Government and administration).  Dawladdu waa waxa inaga wada dhaxeeya oo ay ka mid yihiin dhulka, khayraadka badda, hawada iyo dadkaba.  Halka xukuumad ama maamul ay yihiin marba cidda haysa hoggaanka dalka. Haddii hoggaanku si khaldan u isticmaalo awooddii lagu aaminay, waxa lagu toosin karaa hannaan aan xabad ahayn, waxana lagu beddeli karaa doorasho. Taas darteed ayaa reer Awdal aqlabiyadoodu ay leeyihiin waxa aan maanta ka cabaynayno, shalayna aynu madaxda ka ahayn, beritona aynu madax ka noqon karo, miyaanay jirin wadiiqooyin aan dagaal ahayn oo loo mari karo si loo saxo?

Arrinta kale ee xusidda mudani waa hannaankii Suldaan Wabar arrinkan u bilaabay. Waxa ay dadku is weydiinayaan ayuu la tashaday? Kaligii uun baa cararay oo buurahana galay, maanta waaba laga kala tagay oo meesha waxoogaa yar baa ku sii hadhay ayey qabaan dad badani. Mar haddii ay sidaas tahay, waa in nidaamkan Kulmiye horseedka u yahay isagu aanu cabudhin, cadaawad aan jirina abuurin taasi oo ay dhici karto haddii lagu simbiririxdo ay adkaan doonto in dhakhso looga soo kabto.

Mida kale oo ay reer Somaliland ku wareereen waxa weeyi waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya Suldaan Wabar iyo Itoobiya? Dhawaan maamulka Somaliland wuxu sheegay in xukuumadda Itoobiya la soo galay heshiis dhinaca amniga ah,  haddana marka Wabar kooxdiisu wax sameeyaan meesha ay rabaan ayey xadka ka galayaan oo ka gudbayaan. Markaa halkaa saw lama odhan karo labadaba waa lala wada shaqeynayaa oo meesha laguma kala xidhiidh roona. Mise mise ciyaar aynaan fahmin oo inaga sarraysa ayaa la dheelayaa? Su’aashaas waxaan uga tagtayaa akhristeyaashu in ay ka faaloodaan.

Bandhige, Boorama

Hoos ka akhriso warar hore oo la xidhiidha kan:

Faallo: Weerarka Suldaan Wabar iyo hawlgalladiisii hore

Boorama: Weerar lagu qaaday guriga Guddoomiyaha Awdal, waxa ku dhintay laba askari

bandhige@gmail.com