Faallo: Buubaa oo Hargeysa ku soo beegan, ma loo soo dhawayn doonaa sidii Axmed Ismaaciil Samatar?

21 sanno oo uu Somaliland gooni-isu-taaggeeda ka soo horjeeday kadib, Ismaaciil Hurre Buubaa oo ah siyaasi Soomaalida dhexdeeda caan ka ah ayaa la filayaa in uu dhawaan ku soo laabto Hargeysa oo ah hoygiisa.

Wuxu Buubaa ku soo biirayaa siyaasiyiinta Somaliland ee beryihii u dambaysay beddelayey fikirkoodii Soomaaliweyn oo ay ugu horreyaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Maxamuud Jaamac “Sifir.”

Hadda wuxu Buubaa ku sugan yahay Gadar, waxana baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho lagu arkayey kulanno uu la qaatay jaaliyadda Somaliland ee Gadar. Wararka aanu helaynaana waxay tibaaxayaan in toddobaadkan gudihiisa ama toddobaadka xiga uu Hargeysa imanayo.

Warysi uu siiyey Horn Cable TV 17-kii Juun 2015 ayuu Ismaaciil Buubaa kaga dhawaaqay in uu ka noqday fikirkii Soomaaliweyn una soo noqday fikirka Somaliland oo uu dadkiisa muddo aad u dheer kaga aragti duwanaa.

Ismaaciil wuxu sheegay in uu ka soo quustay siyaasadda Soomaaliya iyo helitaanka Soomaali mid ah oo leh dawlad ay dadkeedu u siman yihiin, sidaas daraadeedna uu go’aansaday in uu dadkiisa la fikir noqdo wixii uu ummaddiisa u qaban karona qabto.

Sida uu Yuusuf Garaad dhawaan baahiyeyย Ismaaciil Buubaa wuxu fikirka Soomaali weyn u guuray April 1994, wakhtigaas oo uu Buubaa u sheegay Weriye Yuusuf Garaad in Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland uu arrin weyn kaga dhawaaqayo Addis Ababa, arrinkaasย oo markii dambe noqotay in Cabdiraxmaan-Tuur iyo Buubaa ay ka noqdeen fikirkii Somaliland una guureen fikradda Soomaaliweyn.

Muddadaas wuxu Buubaa wakhtigiisa geliyey dhisidda dawlad Soomaaliyeed, wuxu si aan gabasho lahayn uga soo horjeedsaday Somaliland walow uu sannadihiiย ugu dambeeyey si dadban ugu doodi jiray Somaliland taas oo dad badan u muujisay debac.

Buubaa wuxu soo qabtay xilal kala duwan iyadoo uu dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Cabdillaahi Yuusuf u ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda isla markaana uu ahaa qofkii dawladda Soomaaliya u hadlay maalintii ugu horraysay ee ciidamada Itoobiya ay cagaha dhigaan caasimadda dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isagoo waraysiyo Af-Ingiriisi, Af-Carabi iyo Af-Soomaali ah siiyey telefishannada Aljazeera, CNN, BBC World Service iyo BBC Somali.

Dhanka kale, Ismaaciil Buubaa wuxu ka mid ahaa saraakiishii SNM wuxuna xil wasiirnimo ka qabtay dawladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali 1991/1992.

Dad badani waxa ay ku doodayaan inย Ismaaciil Hurre Buubaa aanu mudnayn in la soo dhaweeyo maadaama qayb muhiim ah oo ka mid ah cimrigiisa intii ugu qiimaha badnayd uu Soomaaliya siiyey isla markaana uu si cad uga soo horjeeday Somaliland haatana uu yahay hawlgab.

Dadka fikirkan qabaa waxa ay ku doodayaan in ay tani dhiirigelin u noqon karto dadka reer Somaliland ee hadda ka mid ah Dawladda Soomaaliya iyo kuwa laga yaabo in ay u socdaan Xamar iyagaย oo ku fikiri kara in marka ay danahooda shakhsiga ah soo dhammaystaan muddo kadib Somaliland-tii ay ka soo horjeedeen dib loogu soo dhawayn doono.

Geesta kale waxa jira dad badan oo iyaguna aaminsan in Ismaaciil Buubaa caleemo qoyan lagu soo dhaweeyo marka uu Hargeysa yimaad si la mid ah ama si ka sarraysa sidii laga yeelay Axmed Ismaaciil Samatar, iyadoo uu Buubaa kaga duwan yahay Axmed Ismaaciil halgankii dib-u-xoraynta ee uu ka soo qayb-qaatay iyo xilkii uu ka qabtay Somaliland 2-dii sanno ee ugu horreeyey. Sidoo kale Ismaaciil Buubaa waxay u arkaan oday Somaliland tabaysay isla markaana in uu yahay ruug-caddaa ay ku duugan tahay khibrad siyaasadeed oo gun dheer, taas oo ay ka faa’iidaysan karto Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba.

Dadka fikirkan aaminsani waxay ku doodayaan in Ismaaciil Buubaa iyo Axmed Ismaaciil Samatar ay tusaaleyaal nool u noqonayaan cid kasta oo danaynaysay Xamar, sidaas daraadeedna ay sax tahay in imaanshahooda la buunbuuniyo si iyaga qudhoodana loo dareensiiyo soo-dhawayn looguna abuuro kalgacayl iyo jacayl ay u qaadaan dalkooda.

Imaanshaha Ismaaciil Buubaa ee Hargeysa ayay sidoo kale u arkaan in uu ka nixinayo cadowga koowaad ee Somaliland oo ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana uu dunida tusayo in ay adag tahay in qof reer Somaliland ahi uu weligiiย daacad u ahaan karo Soomaaliya oo hadda u sii kala googo’day maamul-goboleedyo yaryar.

Si kastoo ay tahayba, Bandhige wuxu saadaalinayaa in Ismaaciil Buubaa uu soo dhawayn kala kulmi doono deegaanka uu ka soo jeedo, xukuumadda iyo guud ahaan dadweynaha Hargeysa.

Maxay adiga kula tahay akhrise?ย Fikirkaaga kaga dhiibo bartan aanu ku leenahay Facebook-ga.

Bandhige@gmail.comย