Faallo: Haatan la is feedh, maxaase xal ah?

Shalay waxa shaashadaha laga daawaday foolxumo ku soo korodhay qaranka Somaliland. Waxa la arkayey Shir-guddoonkii Golaha Wakiillada oo feedh iyo dharbaaxo isla dhacaya, kadib markii la isku af-garan waayey u codayntii Kaydka Haamah Shidaalka. Waxay ahayd dhacdo laf-jab ku ah qarranimada iyo sharafta Somaliland.

Somaliland hore way u soo martay Golaha Wakiillada oo gacan isku qaada, laakiin arrinta ugubka ahi waxay ahayd in shir-guddoonka laftoodii ay hadda dhex martay. Geela duqdiisii durdirisay aarankiisana maxaad u malayn?

Arrinka la isku hayaa waa sida laga yeelayo heshiis madmadow badani ku jiro oo la sheegay in ay xukuumaddu Kaydkii Haamaha Shidaalka ugu wareejinayso ganacsato ilaa hadda aan magacyadooda ummadda loo soo bandhigin. Tafaasiisha heshiiska laftiisa sida muddada uu heshiisku jirayo iyo saamiyada la kala leeyahay iyadana wali lama soo bandhigin.

Golaha Wakiillada ayaa 30-kii August cod aqlabiyad ah ku laalay heshiiskan, hase ahaatee mar kale ayaa haddana xubno aanay wali tiradoodu sugnayn oo sida la sheegay ay ka mid yihiin qaar ka tirsan kuwii hore u diiday laftoodu ay shalay u soo diyaar-garoobeen si ay u meel-mariyaan heshiiskii uu goluhu horey u diiday. Dadka siyaasadda u dhuun-daloola ayaa tibaaxaya in ay u badan tahay in xukuumadda oo heshiiskan dabada ka riixaysaa ay dhabarka soo taabatay.

Guddoomiyaha Cirro iyo xubnaha taagaeersani waxa ay ku doodayaan in sidii sharciga qaranku dhigayey aan heshiiskan loo simin ganacsatada Somaliland maadaama uu qarsoodi yahay oo aan la xayaysiin isla markaana aan la soo marin Guddida Qandaraasyada Qaranka.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro wuxu ku dooday in sharcigu dhigayo in heshiis uu Golaha Wakiilladu diiday aan isla kal-fadhigii lagu diiday lagu ansixin karin, hase ahaatee Guddoomiye-Xigeen Baashe ayaa ku adkaystay in ay codayntu dhacdo, isaga oo xildhibaannada Kulmiye-na ku amray in aanay Golaha ka bixin ilaa ay codeeyaan. Intaas wixii ka dambeeyey wixii dhacayna waa la ogaa!

Si kastoo ay tahay waxa muuqata in arrintani u baahan tahay in wixii hadda ka dambeeya xalkeeda caqli lagu daro.

Haddii caano daataan hambadaa la qaban jiray. Xukuumaddu sharci bay u leedahay in ay Haamaha Kaydka Shidaalka wareejin karto, laakiin waxa habboon in ay u marto dariiq sharci ah. Marka koowaad waa in la xayeysiiyaa oo ay ganacsatada reer Somaliland u sinnaadaan tartankeeda, waana in shaqadaas ay qabtaan Guddida Qandaraasyada Qaranka oo arrimahan qaabilsan. Kadib Golaha Wakiillada xaq baa loogu yeelan doonaa in ay ansixiyaan.

Si kasta oo sifadan ka duwani waxay caddayn u noqon kartaa dhawaqa ka soo yeedhaya mucaaridka ee ay leeyihiin “xukuumaddu waxay u soo jeedsatay boobka hantida ummadda.”

Bandhige@gmail.com