Faallo: Ma dhabbaa Isbahaysigu wuxu la bahoobayaa Waddani?

 

Kooxda la baxday Isbahaysiga Dimuqraadiyad-doonka Kulmiye ee qaadacday Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee Muuse Biixi loogu doortay murashaxa madaxweynaha doorashada 2017-ka ayaa lagu soo warramayaa in qaarkood ay wada-xaajood muhiim ah la bilaabeen xisbiga mucaaridka ugu weyn ee Waddani.

Kooxdan ayaa lagu xusuustaa in 10 ka mid ahi xilalkii ay xukuumadda ka hayeen iska casileen maalmo uun ka hor Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee qabsoomay 10kii November 2015-ka halka laba masuul oo ka mid ahina ay xukuumadda ka baxeen dhammaadkii bishii labaad iyo horraantii bishii saddexaad ee 2015-kii.

Laga soo bilaabo wakhtigaas mustaqbalka siyaasadeed ee Isbahaysigu wuxu ka dhignaa sidii diyaarad hawada heehaabaysa oo aan garanayn garoonkii ay cago-dhigan lahayd.

Xubno ka tirsanaa Isbahaysiga oo uu ka mid yahay Guddoomiye-Xigeenka Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax ayaa ka goostay kooxda inteeda kale iyada oo sida muuqata uu wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale isaguna si dadban uga goostay isaga oo aan haba yaraatee ka soo daahirin shirarkii ugu dambeeyey ee ay kooxdani yeesheen isla markaana warar xogogaal ah oo aanu helaynaa ay sheegayaan in aanu qayb ka ahayn wada-xaajoodka socda, walow isaga qudhiisa aan la ogayn dhinaca uu ku jihaysan yahay.

Waxa suuqa ku jirta in xubnaha Isbahaysigu ay markii hore ku midaysnaayeen in Muuse Biixi laga maanaco murashaxnimada Kulmiye, markii taas laga soo gudbayna ay danahoodu iska hor yimaadeen sidaas daraadeedna ay wakhti uun ku xidhan tahay inta ay u kala yaacayaan sidii tusbax furtay haddii aanay inta ay goori goor tahay qaadan go’aan siyaasadeed .

Wararka la isla dhex marayaa waxay sheegayaan in Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu uu wada-xaajood shakhsi ah kula jiro xisbiga Waddani laakiin uu rabo in uu xubnaha kalena kaxaysto si uu ugu gaadho hankiisa siyaasadeed. Gaar ahaan waxa la sheegayaa in uu doonayo in Waddani iyo taageereyaashiisu ay kula tuntuunsadaan in uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee mustaqbalka. Warar kale oo aan xoog badnayn ayaa sheegaya in Xirsi doonayo in laga dhigo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro dabadii.

Xirsi Cali Xaaji ayay dadweynuhu u arkaan in uu yahay hoggaamiyaha dadban ee kooxdan iyada oo la aaminsan yahay in uu yahay shakhsigii xubnaha Isbahaysiga dhammaantood ku qanciyey in ay is casilaan haatana yahay ka kali ah ee dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka sameeyey deegaannada uu ka soo jeedo, halka xubnaha kale aanay wali qaadin wax tallaabo ah oo muujin karta dhaqdhaqaaq siyaasadeed.

Su’aasha la is weydiinayaa waxay tahay mar haddii xubnihii Isbahaysigu aanay isku duubnayn waxa uu Xirsi kali ahaantii ku soo kordhin karo xisbiga Waddani iyada oo Madaxweyne Siilaanyo iyo badiba siyaasiyiinta ay Xirsi isku ardaaga ka soo jeedaan ay taageereen murashaxnimada Muuse Biixi. Sidoo kale, waxa su’aalo la iska waydiinayaa in Waddani uu Xirsi u dammaanad qaadi doono in  kuraasta uu raadinayo uu xisbigu ku garab istaagi doono wax hel iyo wax waa.

Si kastoo ay tahayba, haddii kooxdan naakonaakada ahi ay go’aan siyaasi ah oo dhakhso ah gaadhi waayaan waxay xaqiiqadu noqon doontaa in wakhtigu waaxid iyo wadarba u go’aamin doono iyada oo qiimaha ay suuqa siyaasadda ka joogaan uu ka hooseeyo halka ay maanta taagan yihiin.

Bandhige News

bandhige@gmail.com