Faallo: Madaxweyne Siilaanyo wuxu xalay jeediyey khudbad ka dareen hoosaysa tii la filayey

Kadib khilaafkii kala irdheeyey xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo xamaasaddii qabanqaabada shirka Golaha Dhexe ee xisbiga ee maalmihii ugu dambeeyey taagnayd, dadweynaha Somaliland waxay xalay telefishannada u hor fadhiisteen oo laga dhur-sugayey khudbad qorshaysnayd in uu Madaxweyne Siilaanyo u jeediyo jaaliyadaha Somaliland ee Ingiriiska.

Gaar ahaan dhawaqa Madaxweynaha waxa si gaar ah dhegta ugu taagayey murashaxiinta iska bahaystay Muuse Biixi oo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis M. Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe kuwaas oo cabasho ka qaba hannaanka uu u socdo abaabulka shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye, khudbadda madaxweynahana ka filayey in ay cabashadooda bogsiimo u noqoto.

Hase ahaatee  khudbaddii uu Madaxweyne Siilaanyo jeediyey xalay waxay u muuqatay mid aan la jaanqaadin dareenka murashaxiintaas iyo dhagaysteyaal door ah oo shaashadaha sii fadhiistay.

Madaxweynuhu wuxu khudbaddiisa ku faahfaahiyey kullannadii uu la qaatay xukuumadda Ireland iyo ammaan uu u jeediyey doorka qurbe-joogga Somaliland.

Hase ahaatee marka ay noqoto arrimaha Kulmiye dhexdiisa ka taagan, khudbadda Madaxweynuhu waxay u ekayd mid geed-sare-waab ah. Walow uu Madaxweynuhu ku baaqay in doorashooyinku aanay tafaraaruq ku beerin shacbiga Somaliland (baaqaas oo loo fasiran karo in uu si dadban ula jeeday arrinka Kulmiye dhexdiisa ka socda), isla markaana ay taasi ahayd farriin muhiim ah oo wakhtigan loo baahnaa, haddana halkaas hoos ugama uu daadegin.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawr jeer shaaciyey in uu yahay murashaxa xisbiga Kulmiye ee doorashada madaxweynenimada Somaliland. Marnaba meel fagaare ah kama uu sheegin in uu go’aankaas ka noqday.

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse” oo madaxweynaha ku weheliya safarkiisa Ingiriiska iyo Ireland ayaa toddobaad iyo waxoogaa ka hor isaguna ku celiyey in Madaxweyne Siilaanyo yahay murashaxa Kulmiye ee doorashada qabsoomi doonta 28-ka March 2017-ka. Haseyeshee sawir kaas aad uga duwan ayaa Kulmiye dhexdiisa ka dhex socda.

Madaxweynaha xalay waxa ay dad badani ka filayeen in uu marashaxnimadiisii ku sii adkaysto ama uu caddeeyo in uu ka tanaasulay. Labada midna ma uu sheegin. Taas beddelkeeda, tartan ba’an oo ay ku hirdamayaan Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah saddex murashax oo is-gaashaan-buuraystay ayaa ka bilaabmay Hargeysa meel xasaasi ahna maraya.

Waxa la kala boobayaa xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye oo ugu dambaynta go’aamin doona cidda noqon doonta murashaxa madaxweynenimo ee Kulmiye, taas oo dad badan u muujisay in aanu Siilaanyo sharaxnayn.

Waxa kale oo laga filayey in uu ka hadlo shirkii shalay ka dhacay Guuleed Huteel kaas oo murashaxiinta iska bahaysatay Muuse Biixi ay kaga cawdeen guddoomiyaha Kulmiye iyo ku-simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne-Xigeen, dhanka kalena Guddoomiye-Xigeenka Kulmiyena uu BBC-da u sheegay in wax waliba si sharci ah u socdaan, shirka Guuleed Huteel ka dhacayna uu ahaa mid aan loo baahnayn.

Waxa la filayey in uu khudbaddiisa si uun ugu muujiyo labada dhinac ka sharciga ku socda iyo waxa uu ka aaminsan yahay qabanqaabada shirka Kulmiye oo si rasmiya bixintii kaadhadhka aqoonsigu uga bilaabmeen xarunta Kulmiye. Laakiin waa uu ka gaabsaday.

Si marka loo eego, waxay u muuqataa in Madaxweynuhu dareen ahaan uu caadi u arko hannaanka uu u socdo qabanqaabada shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye isla markaana uu kalsooni ku qabo go’aannadii uu shalay gaadhay ku-simihiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi “Saylici”. Taasi waxa ay niyad-jab ku tahay murashaxiintii shalay is-gaashaan-buuraystay, waxayna war wanaagsan u tahay Guddoomiye Muuse Biixi.

Bandhige@gmail.com