Faallo: Maxaa ka soo bixi doona Maxkamadda Sare la-tashigii xisbiyada qaranka kadib?

Wali waxa socda hal-xidhaalihii siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhintii ay Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen xukuumadda 11-kii May 2015, ummadduna waxay u dheg-taagaysaa go’aanka ka soo bixi doona Maxkamadda Dastuuriga ah kaas oo la filayo in uu si kama-dambays ah u soo afjaro khilaafkan siyaasiga ah.

Xisbiyada mucaridka ayaa ku adkaysanaya in aanay marnaba aqbalayn muddo-kordhinta Guurtida waxa kaliya ee u cuntamayaana uu yahay heshiiskii saddexda xisbi-qaran wada saxeexdeen 27-kii May oo dhigayey in doorashadu dhacdo Diisambar 2016.

Hase ahaatee Golaha Guurtida ayaa dhinacooga ku adkaystay in aanay marnaba dib uga noqonayn go’aankii ay muddada ugu kordhiyeen xukuumadd iyo Golaha Wakiillada kaas oo iyagana si dadban ugu sameeyey muddo-kordhin maadaama Dastuurku dhigayo in ay mar walba Wakiillada ka dambeeyaan hal sanno.

Guddoomiye-Xigeenka Golaha Wakiillada oo saxaafadda la hadlay todobaadkii ina dhaafay ayaa sheegay in aanay waxba ka qabin haddii arrinka loo gudbiyo Maxkamadda Sare oo isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah.

5 bilood ayaa u dhaxaysa wakhtiga ay xisbiyadu rabaan in doorashadu qabsoonto iyo wakhtiga ay Guurtidu kordhiyeen oo ku siman April 2017.

10kii August ayuu Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday Maxkamadda Sare in ay fasiraad ka soo bixiso qodobada lagu muransan yahay, gaar ahaan go’aankii Guurtida iyo heshiiskii saddexda xisbi-qaran.

12-kii August ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kulan wada-tashi ah la yeeshay saddexda xisbi qaran. Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u sheegeen in ay saddexda xisbi ka midaysan yihiin ku-dhaqanka heshiiska 27-kii May, sidaasna ay filayaan in uu ku go’aan qaato.

Kulanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare la yeeshay xisbiyada qaranka ayaa garyaqaano door ahi ay walaac ka muujiyeen iyagoo sheegay in aanay fahmi karayn sababta uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ugala tashanayo xisbiyada tafsiir Maxkamadda Dastuuriga ah looga fadhiyo in ay ku samayso qodobada Madaxweynuhu ka codsaday.

Garyaqaanadan oo Bandhige la xidhiidhay balse ka cudurtaartay in magacooda la xuso ayaa sheegay in ay werwer wayn ka qabaan in arrinka xeer-jajab lagu dhammeeyo taasina ay wiiqi doonto sumcadda garsoorka qaranka sida ay hadalka u dhigeen.

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa sumcaddeedu kor u soo kacaysaa tan iyo intii guddoomiyaha looga dhigay Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, kaas oo sumcad ku helay go’aankii uu xisbiyada ugu fasaxay in ay hudheellada ku shiri karaan isla markaana kaga joojiyey in ay shir qaran qaban karaan.

Maalmahan soo socda ayaa la dhawrayaa in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku dhawaaqo go’aanka maxkamadda ee la xidhiidha codsigii madaxweynaha.

Nooca go’aanka ka soo baxa Maxkamadda Sare ayaa muujin doona in uu yahay mid hannaanka caddaaladda qaranka ku salaysan oo Dastuurka loo eegay iyo in uu noqdo mid u eg xeer-jajabkii ay Guurtidu ku xaliyeen khilaafaadyo hore u soo maray qaranka, kaas oo laga xasuusan karo sidii Guddoomiye Saleebaan iyo Xaaji Cabdi Waraabe u xaliyeen khilaafkii sannadkii hore kala dhex galay Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro iyo ku-xigeenkiisii Baashe Maxamed Faarax.

Dadweyne door ah oo aanu aragtidooda wax ka waydiinay ayaa badankoodu aaminsan yihiin in go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamadda Sare uu soo af-jari doono khilaafkan oo soo jiitamayey saddex bilood iyo dheeraad.

Bandhige@gmail.com