Faallo: Maxaa lagu xasuusan doonaa Cabdiraxmaan Cirro oo 12 sanno Guddoominayey Golaha Wakiiladda Somaliland

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa saaka si rasmi ah uga dagay xilkii guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu hayey muddo 12 sanno ah, Golaha wakiilada ayaa waxay haatan fadhiyaan golaha wakiilada muddo xileedkiisa saddexaas, sidoo kalena Goluhue wuxu ku soo caano maalay muddo kordhin.

70 Xildhibaan oo ka mid aha 71 ka mid ah mudanayaasha Golaha ayaa istiqaaladda ka aqbalay kadib markii ay maanta isugu yimaadeen fadhigii golaha oo ajandihiisu ahaa iscasilaadiisa.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in uu go’aansaday in uu u madax banaanaado hawlihiisa Musharaxnimo ee Madaxtinimada Somaliland oo la filayo Doorashadeedu inay qabsoonto 13/11/2017.

Guddoomiye Cirro waxa uu jeediyey khudbad u badnay wax-qabadkii Golaha wakiilada muddadii 12-sanno ahyd ee xilka hayeen, Guddoomiyuhu wuxu sheegay goluhu ku talaabsaday intii hoggaanka hayey horu-socod, horumar, wada-shaqeyn, isku hayn iyo weli ba daacadnimo uu qarankiisa ugu soo shaqeeyey oo ka madax-banaaneyd kana foggeyd musuq-maasuq, tallo-maroorsi, eex, qaraabo-kiil iyo weliba fadhiidnimo.

Inkasta oo dadweynaha reer Somaliland Golaha wakiilada ku dhalliilaan in ay ka gaabiyeen soo saarista xeerar sharci oo wax ku ool ah, haddan Guddoomiyuhu wuxu sheegay in ay sameeyaan xeer fara badan iyo waxqabad kale oo dhawr ah oo halkan hoose ku xusan:

  • Dhisme xarun barlamaan casri ah oo la jaanqaadaysa Baarlamaanada dunida, kana kooban xafiisyo aad u tiro badan, hoolal shirar iyo maktabad weyn. waxa ka mid ah hoolkan aan hadda fadhino.
  • Waxaynu xafiisyo barlamaan ka sameynay shan (5) ka mid ah gobolada dalka (awdal, saaxil, togdheer, sool iyo sanaag) si shacbigii soo doortay xildhibaanada iyo golahoodu isu soo gaadhaan, shacbiguna u helaan xarumo ay xeerarka goluhu soo saaro lagula wadaago.
  • Tirada shaqaalaha golaha oo gaadhay 153 shaqaale, halkii ay awal hore ka ahaayeen 21 shaqaale oo kaliya, oo waliba ah shaqaale xirfad badan oo tayadoodu aad u sareyso. [ shaqaaluhu waxa uu kordhay mudadaas 7 Jeer ama 728%]
  • Miisaaniyadda goluhu maanta waxa ay maraysaa 27 bilyan oo shilling Somaliland, waxa ay korodhay sagaal (9) goor.
  • Tirada agaasimayaasha goluhu waxa ay gaadheen 10 agaasime waaxeed iyo 10 guddi hoosaad iyo waliba la-taliyayaashoodii sharci oo ay guddiyadaasi leeyihiin.
  • Waxaa sidoo kale horumar weyn laga sameeyey habka goluhu u maro sameynta shuruucda cusub ee dalka, kaabistooda iyo wax ka badalkoodaba.
  • Waxaa kordhay ka qeybgalka dadweynuhu ka qeybgalaan iyo dhagaysiga shuruucda goluhu ka doodayo, iyo sameyn toodaba.
  • Waxa golaha u qabsoomay in uu tababaro badan u suurta galiyey Xildhibaanada golaha wakiilada iyo shaqaale weynahaba.
  • Waxaa xusid mudan in aynu xidhiidho badan oo dibadda ah la sameynay Barlamaano dunida ah oo aynu korjooge rasmi ah ka noqonay Common Wealth Parliamentary union. [ Ururka Barlamaanada wadamada barwaaqo sooranka].
  • Waxaa golahani soo saaraa wargeys saddex bilood le ah iyo website-ka kaliya ee hay’ad dowli ah oo Somaliland leedahay oo si joogto ah u soo tabiya xeerarka, hadal qoraalka iyo miisaaniyada qaranka lagu baahiyo.
  • Waxaa ilaahay mahadii in uu inoo suurtagaliyey in aynu sameyno 52 xeer oo dhaqan gal ah, taas oo ka dhigaysa in goluhu ansixiyey 62% xeerarka JSL.
  • Waxaa sidoo kale inoo qabsoomay in golahani uu mudadaas soo saaray 360 go‘aan gole (Resolutions).

Inkasta oo Guddoomiye Cirro sheegay waxqabada Golaha wakillada muddadii 12-kaa sanno ahayd, balse waxay ku fashilmeen wax ka mid ahaa dhammaystiran saami qayb-siga xildhibaanada Golaha wakiilada oo ay haatan iska riixeen dhinaca xukuumadda.

Golahan wakiilada ee haatan jira waxa lagu xasuustaan kal-fadhiyadii ugu horeeyey waxay qabteen waxa ka mid ahaa kordhinta gunadda xildhibaanada iyo joojinta xeer dekedda Berbera lagaga hor-istaagay xukuumaddu in ay lacag ka qaadi baadhista gawaadhiga ka soo degay Dekedda Berbera oo ay cod aqlibiyada ah ku ansixiyeen.

Sidoo kale waxa golahan lagu xasuustaa in ay xukuumadda dhex marsato waxay rabto, sida uu hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan war-baahinta la wadaag wakhti uu ahaa wasiirka Madaxtooyadda.

Waxa kale oo ay dadweynuhu Golaha wakiilada ee sheegaan Golaha dhaameelka kaasi oo ay inta badan ka door bidaan danta guud ta gaarka oo ay ku bedeshaan shilimaad.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, wuxu hadda u tafa xaytay in uu tartamo kursida ugu sareeya dalka kaasi oo la filayo in doorashadiiisu dhacdo dhammaadka sannadkan, balse Guddoomiye Cirro sida uu xaqiijiyey Idaacada BBC-da waxa uu sheegay in aanu wali iska casilin xubinnimada baarlamaanka ee uu iska xilka Guddoomiyaha oo kaliya.

Inkasta oo shacabka Somaliland siyaabo kale duwan uga fal celiyeen iscasilaada Guddoomiye Cirro, haddana waxa jirtay artiyo kuwaasi ka duwan ay bulshada qaar ay jeclaan lahaayeen maanta in 82 xildhibaan ee Golaha Baarlamaanku is casilaan saluug badan oo ay bulshadu ku qabto, halkan hoose waxaanu ku soo lifaaqnay mid rayiyada lagu soo baahiye baraha bulshadu ku wada xidhiidho.

bandhige@gmail.com .