Faallo: Olole doorasho oo waqtigiisii ka soo hor marey!!!

 

Waxaa aad u muuqata in sanadkan sida uu u bilaabmayma aan ku jirno olole doorasho oo waqtigiisii ka soo hor marey sida dastuur ahaan uu dhigayo xeerka doorashooyinka Soomaaliland waxaa loo ogol yahay xisbiyada siyaasada in ay ololaha bilaabaan 30 cisho ka hr marka wax waybala gudiga doorashadu diyaariyo sida ku cad xeerka doorashooyinka Soomaaliland qodobkiisa 27 aad iyo 28 aad iyo faqradahooda oo sii faahfaahinya.

Laakiin hada waxaa jirta in xisbiyada siyaasadu dhacdo kasta ama fursad kasta oo ay helaan u badalayaan olole siyaasadeed, taasina waxa ay bilaabantey markii la bilaabay bixinta kaararka cod bixiyayaasha bishii 3 aad ee sanadkan 2017ka.

Waxaa  jirtay markii kaararka cod bixinta ee gobolada Saaxil iyo Maroodi Jeex ay socotay gudiga doorashada Qaranku u hanjabaad iyo digniin u jeediyey labada xisbi ee waaweyn Wadani iyo Kulmiye mise hubo in ay ganaax ka qaadeen iyo in ay ku ekayd uun digniintaas.

Wali hadaba waxaa socota ololihii ay labadaas xisbi ee waaweyni meel kasta oo ay fursad u helaan ay rabeen in ay uga dhigtaan fursad ay ku tijaabiyaan sidii ay taageerayaal iyo codad cusub ku kasban lahaayeen, taasi waxaa tusaale inoogu filan dhacdooyinka aan maalin kasta ku arkayno ee ay labada Maroodi meelo badan ku jiidh jiidhayaan.

Waxaa ka mid ah ololayaashaas xalintii khilaafka golaha wakiilada oo Wadani meeshaas wacdaro ka muujiyey iskuna  keenay qolyihii ku loolamaayey inkasta oo loo mahad naqaey hadana olole kama madhanyn meeshaas.

Waxaa iyaduna Kulmiye makiisa in uu tijaabiyo rabaa doorshadii Xildhibaan Axmed Yaasiin ee uu ku guuleystey gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada taasi ayuu rabaa isna dhinaciisa in uu uga faa’iideysto oo soo dhaweynta ay reer Awdal barri u sameyn doonaan waxaa ku lamaan nooc ka mid ah ololahaas, waana fursad hadii uu Kulmiye dayaco ay tahay cidii markii horeba golaha ka faa’iiday xalinta khilaafkiisa in ay tan aka faa’idi doonto.

Taasina waa mid muuqata oo waxaa  boodhadhka Axmed Yaasiin lagu soo dhaweyno ku lamaan kuwo ay ku yaalaan musharaxiinta madaxweyne ee xisbigaa Kulmiye  Mudane Muuse Biixi iyo mudane Cabdiraxmaan Saylici, mase hubo in ay labadooduba isa soo raacayaan iyo in midkood iman doono si uu kulankaas balaadhan uga faa’iideysto.

Gudiga doorashada talo waa ku cadahay  waxyaabaha noocan oo kale oo olole cad ah ma odhan karaan joojiya, waan fasaxnayna ma odhan karaan oo xiligii sharcigu fasaxayey ma gaadhin wali markaa waa in ay ku mar marsiiyoodaan kaliya waa kulan si gaar ah loo qabsadey, hadiise lagu qabto kulanka noocan oo kale ah meel fagaare ah waxa y noqonaysaa meel ka dhac xeerkii doorashooyinka ah, laakiin huteelo iyo meelo kale oo gaar la isgu yimaado waa arin caadi ah.

Markase ay noqoto soo dhaweynta Axmed yaasiin kaliya hadii ay tahay waxaa lagu qaban karaa meel kasta waayo mid xisbi waxaa laga yaaba in aanay ku lamaanaan dhibna ma keenayso in halkaas lagu soo hadal qaado xisbiga uu ka tirsan yahay ama lagu amaanaba waxaase fagaaraha wax u dhimi kara in musharxiintu ka hadlaan.

Xasan Ciise- Muxalil Siyaasadeed