Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?

 

Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday muddo toddobaad ah oo lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay maalintii ugu horraysay ee Laanta Af-Soomaaliga BBC-du hawada soo gasho oo ahayd 18kii July 1957.ย Xaflad la isku arkay ayaa lagu qabtay makhaayadda dhaqanka ee Hiddo-Dhawr.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi โ€œCaddaaniโ€, Wasiirka Qorshaynta Maxamed Aadan โ€˜Qabyo-tireโ€ iyo madax kale ayaa xuska kala qayb-galay bahweynta BBC-da oo isku soo habar-wacday. Marti-sharaf ka mid ah dhagaysteyaasha BBC-da ย ayaa iyagana lagu casuumay munaasibadda.

Fannaaniin caan ah oo ay ka mid tahay mulkiilaha Hiddo-dhawr Sahra-Halgan iyo Ubax-Fahmo ayaa qaaday heeso ay kula dabaal-dagayeen BBC-da. Jawi qurxoon ayay ku dhammaatay xafladdaasi.

Xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo BBC-da

Codkii ugu horreeyey ee ka baxay BBC-da laanteeda Soomaaliga wuxu ahaa Xaaji Cabdi Ducaale oo ka tagay Raadyow Hargeysa, weriyeyaashii ugu horreeyey ee ka hawlgalayna waxay dhammaantood ka tageen maxmiyaddii Ingiriiska ee British Somaliland.

Muusigii ugu horreeyey ee lagu furay isla markaana ah kan ilaa hadda BBC-du ku soo gasho oo loo yaqaan โ€œSocodka Araweeloโ€ waxa sameeyey Cabdillaahi Maxamed Maxamuud โ€œQarshe.โ€ Muusigga labaad ee dhextaalka u ahaan jiray haatanse idaacaddu ka guurtay oo ahaa โ€œBaarcaddeโ€ waxa sameeyey Maxamed Siciid Guโ€™roon-jire. Labadooduba waxay ahaayeen reer Somaliland.

Kaydkii koowaad ee cajaladaha ee BBC-da lagu furay wuxu ahaa kaydkii Raadyow Hargeysa oo BBC-da ka daโ€™ weyn 15 sanno. Sidaas daraadeed, BBC-du way ku ammaanan tahay ย in ay garatay halkii ay ka soo unkatay xuskeedana u dooratay Hargeysa.

Sidee BBC-da looga arkaa Somaliland?

Dad badan oo reer Somaliland ahi Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da waxay u arkaan idaacad loo adeegsado borobogaandhooyinka ka dhanka ah qaddiyadda Somaliland. Dareenkaasi waa mid laga siman yahay xukuumad iyo shacab.

Inkastoo Bandhige aanu samayn daraasad cilmi ah haddana dhagaysteyaal door ah oo aanu la xidhiidhay intii uu socday xuska lixdan-guuradu waxay badankoodii sheegeen in ay aaminsanย  yihiin in BBC-du aanay dhexdhexaad u ahayn Somaliland iyo Soomaaliya una janjeedho dhinaca Soomaaliya. Qaarkoodna waxayba ugu yeedheen naanaysta ah “Idaacadda Wallaweynta.”

Dareenka ay dadka Somaliland ka qabaan laanta Soomaaliga eeย BBC-da wuxu aad u xoogaystay intii ay maamulayeen Yuusuf Garaad Cumar iyo Cabdiraxmaan Koronto oo labadooduba ka soo jeeda Soomaaliya.

Maxay tahay tabashada Somaliland?

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid โ€œCaddaaniโ€ oo shir-saxaafadeed ku qabtay Hargeysa 21kii February ee sannadkan ayaa BBC-da ku sifeeyey idaacad ku foogan dagaal badheedh ah oo ka dhan ah jiritaanka Somaliland.

โ€œWaxay buunbuuniyaan dhacdooyinka yaryar ee aan xididdada lahayn waxayna daaha saaraan horumarka iyo wanaagga ka jira Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxay abaabulaan doodo ay had iyo jeer u soo xushaan dadka ka soo hor jeeda Somalilandโ€ ayuu yidhi Wasiir Caddaani. Haseyeeshee wuxu xafladdii loo qabtay lixdan-guurada ka sheegay in BBC-da iyo xukuumaddu ay heshiis ka gaadheen saluuggii jiray.

17kii bishii May ee sannadkan waxa warabaahinta bulshadu ku xidhiidho aad loogu falanqeeyey gef uu Somaliland kula kacay Axmed Cabdi-Nuur mar uu waraysanayey Ayaan Maxamuud Cashuur oo ah safiikra Somaliland u fadhida Ingiriiska. Cabdinuur wuxu yidhi:

โ€œWaxa ka soo wareegay 26 sanno markii ay Somaliland sheegeen in ay ka goโ€™een Soomaalida inteeda kale.โ€

Markii ay Ayaan u sheegtay in aanay Somaliland ka goโ€™in Soomaali oo dhan balse ay ka goโ€™day Soomaaliya Cabdinuur gefkiisii wuu ku sii adkaystay wuxuuna yidhi โ€œAnnagu sidaasaan u dhahnaa!โ€

BBC-da ayaa sidoo kale caadaysatay in dhacdooyinka ka dhaca Somaliland ay u soo xigato aragtiyo ay Facebook-ga ku qoreen dad reer Soomaaliya ah iyagoo dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacana u soo xigta aragtiyo lagu sheegay in dad magaalooyinka Somaliland ka soo jeedaa ku qoreen Facebook-ga. Ujeeddadu sida muuqata waa in si dadban maskaxda Soomaalida loogu dhaliyo in Somaliland iyo Soomaaliya isku mid yihiin, dadkuna is oggol yihiin.

Qoraaga caanka ah Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sannado ka hor daabacay qormo dheer oo uu ku naqdinayo gefafka ay BBC-du ka gasho Somaliland, qoraalkaas oo uu cinwaan uga dhigay Maydhaanka Taariikhda Soomaaliyeed (Boobe, 2015: Dhaxal-Reeb Labaad, bogagga 57 – 98).ย Dhallinyarada aqoonyahanka ah iyo suxufiyiinta Somaliland ayaa iyaguna marar badan baraha ay bulshadu ku xidhiidho ku cabbira aragtida ay ka qabaan BBC-da.

Beryihii hore BBC-du waxay Somaliland ugu yeedhi jirtay โ€œJamhuuriyadda la magac-baxday Somalilandโ€. Markii la bilaabay federaalaynta Soomaaliya waxay bilawday in ay Somalilandย  ugu yeedho โ€œMaamulka Somalilandโ€ iyadoo loo ekaysiinayo maamuladda yaryar ee Soomaaliya laga sameeyey, in kastoo ay beryahan dambeย  u beddeleen โ€œJamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday xornimada.โ€

Tabashooyinka kale ee ay reer Somaliland ka qabaan BBC-da waxa ka mid ah shaqaalaha iyo lahjadda ay adeegsato. In kastoo ay BBC-du u adeegto wixii la isku odhan jiray shanta Soomaaliyeed, haddana waxayย  u xuub siibatay โ€œCodka Soomaaliya.โ€ Tobannaanka cod ee ka baxa idaacadda, dhawr qof oo kali ah ayaa ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo laga durkiyey xilalka iyo maamulka.

Barta ay BBC-du ku leedahay internet-ka waxay ku isticmaashaa lahjadda Soomaaliya lagaga hadlo, waxayna adeegsadaan bilaha u gaarka ah Soomaaliya sida Janaayo, Maarso, Luulyo- kuwaas oo aan laga aqoon Somaliland, Jabuuti iyo Kililka 5aad.

Dhawaan waxa madaxa af-Soomaaliga ee BBC-da loo magacaabay Cabdillaahi Sh. Cabdirisaaq oo ah masuul daโ€™yar oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee Kiiniya. Suโ€™aasha is weydiinta lihi waxa weeyi Cabdillaahi ma beddeli doonaa sidii BBC-du ula dhaqmi jirtay Somaliland, BBC-dana ma ku soo celin doonaa dhexdhexaad, mise wuxu sii wadi doonaa siyaasaddii Yuusuf Garaad iyo Cabdiraxmaan Korornto?

Bandhige@gmail.com