Faallo: Siyaasiyiinta Isbahaysigu maxay ku soo kordhin karaan xisbiga Waddani?

 

Isbahaysigii  Dimuqraadiyad-doonka Kulmiye ee xukuumadda iyo xisbiga iska casilay sannad ka hor kadib markii ay Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyeen in uu la saftay Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu dambayntii maanta shaaciyey in ay heshiis is-afgarad ah la gaadheen xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Waddani isla markaana Axadda loo qabanayo xafladdii rasmiga ahayd ee ku-soo-biiritaankooda xisbiga.

Isbahaysiga waxa lagu xasuustaa in ay taariikhda ku galeen tiradii ugu badnayd ee masuuliyiin ah ee mar qudha iska wada casilay xukuumad Somaliland ah oo ay ka tirsanaayeen. 10 ka mid ah ayaa xilalkii ay xukuumadda ka hayeen iska casilay maalmo uun ka hor Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee qabsoomay 10kii November 2015-ka halka laba masuul oo ka mid ahaana ay ka sii horreeyeen oo ay xukuumadda ka baxeen dhammaadkii bishii labaad iyo horraantii bishii saddexaad ee 2015-kii. Waxay ahayd jug sanqadheedu weyn tahay laakiin aan waxyeelo muuqata u gaysan xukuumadda.

Go’aan soo raagay

Laga soo bilaabo November 2015 mustaqbalka siyaasadeed ee Isbahaysigu wuxu ka dhignaa sidii diyaarad hawada heehaabaysa oo aan garanayn garoonkii ay cago-dhigan lahayd. Si kale haddii loo dhigo taayirrada ayaa hore ugu bixi waayey. Marar door ah ayaa la weriyey in ay xisbiga Waddani wada-hadal la fureen laakiin waxba kama hirgelin maanta ka horow sababo ay ugu muhiimsanayd wada-xaajood la xidhiidhay qaybsiga awoodaha xisbiga oo la isku mari la’aa iyo xubnaha oo qaarkood kala damac iyo afkaar ahaayeen sida uu ka war qabay Bandhige oo si dhaw ula socday.

Waxa xusid mudan in xubno bilawgii cadhada la saftay Isbahaysiga oo ay ugu tun weynaayeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirkii hore ee Warshadaha Abiib Diiriyo Nuur iyo Xildhibaan Kijaandhe ay kooxda ka hadheen wakhtiyo kala duwan. Hase ahaatee xubnihii kale baddankoodu hadda waa ay u dhan yihiin ku-biirista xisbiga Waddani.

Siyaasiyiinta mowqifkoodu caddaaday waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Guddoomiye-xigeenkii hore ee 2aad ee Kulmiye Xildhibaan Waabeeye, Guddoomiye-xigeenkii hore ee 3aad ee Kulmiye xildhibaan Talyanle, Wasiirkii hore ee waxbarshada Faarax Geedoole, Wasiirkii hore ee Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo xubno kale.

Dadweyne door ah oo aanu su’aalo weydiinay waxay hoggaamiyaha dadban ee Isbahaysiga u arkaan Xirsi waxayna aaminsan yihiin in uu yahay shakhsigii kooxdan dhammaantood ku qanciyey in ay is casilaan haatana uu yahay qofka ugu miisaanka culus ee ku biiray xisbiga Waddani.

Maxay qaban karaan?

Marka la eego miisaanka siyaasadeed iyo saamaynta ay koox ahaan iyo shakhsi shakhsiba u leeyihiin,  su’aali kama taagna in ay awood, cudud, dhaqaale iyo dardar siyaasadeedba ku soo kordhin doonaan xisbiga Waddani oo in muddo ah lagu xamanayey qun-yar-socod. Haddii ay u hagar baxaan, xisbiga Waddani waxay u riixi karaan in uu noqdo mucaarad kulul isla markaana  xukuumadda kaga af-adag sida uu hadda yahay (Waa haddii Xirsi iyo rag la mid ahi beddelaan fikraddoodii ahayd in aan Madaxweyne Siilaanyo wax laga sheegin).

Sidoo kale waxay ururin karaan ama ugu deeqi karaan xisbiga dhaqaale uu ololihiisa ku sii xoojiyo, waxaanay hawlgelin karaan dad badan oo ay hore xidhiidho ula lahaayeen iyo qaar ay abaal u dhigteen wakhtigii ay awoodda fulineed lahaayeen. Maadaama ay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ka mid ahaan jireen, waxay Waddani ugu deeqi karaan siraha qarsoodiga ah ee xisbul-xaakimka, taasina waxay Waddani u suurto-gelin kartaa in uu ogaado gol-jilicda uu ka abbaarayo Kulmiye.

Maxaa ku adkaan doona?

Dhanka kale, marka laga eego xubnaha ugu muhiimsan kooxdani waxay u muuqdaan in aanay yeelan doonin awood ay ku soo jiitaan codadka beelaha ay ka soo kala jeedaan. Maxamed Biixi Yoonis waxa doorashada u taagan murashax ay isku ardaa yihiin, sidaas daraadeed waa ay ku adkaan doontaa in uu beeshiisa si sahlan ugu qanciyo in ay dhiniciisa u soo janjeedhsamaan.

Xirsi Cali Xaaji beeshiisu sida muuqata waxay u ciirsan tahay dhinaca Kulmiye. Xubnaha ugu culus sida Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Guurtida Saleebaan Maxamuud, Guddoomiye-xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo madax-dhaqameed door ahi waxay si cad u taageersan yihiin Kulmiye. Sidaas awgeed waa ay adkaanaysaa in uu Xirsi la yimaado mucjiso uu raggaas iyo in kale oo aynaan magacyadooda xusin kaga adkaado isla markaana beeshiisa ku qanciyo in ay ka hor yimaaddaan xisbi iyo xukuumad ay u arkaan in ay dhibbada u taageen.

Xubnaha kale ee Isbahaysiga badankoodu sida Xildhibaan Waabeeye, Wasiir-xigeenkii hore ee dib-u-dejinta Nimco Qawdhan iyo Wasiir-Xigeenkii hore ee Ganacsiga Bashiir Xariir, waa kuwo ay marka horeba beelahoodu u janjeedheen dhinaca xisbiga Waddani, sidaas daraadeed ku-soo-biiristooda xisbigu waxay u eg tahay mid “asal-ma-doorshe” ah.

Maxay kharibi karaan?

Iyadoo la dhawrayo in shan maalmood kadib uu qabsoomo shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani, waxa dhici karta in ay Isbahaysigu saamayn togan iyo mid taban ku yeeshaan shirka. Xubno hore u sii joogi jiray oo la soo kifaaxay xisbiga ayaa laga yaabaa in ay ka masayraan xubnahan cusub ee awoodda lagu tuhmayo ee ku soo biiray kana baqaan in ay jagooyinkoodii ka riixdaan ama ku muquuniyaan xisbiga dhexdiisa. Waxa iyaguna jira xubno xisbiga ah oo ay Isbahaysiga qaarkood hore isku soo eedeen. Arrimahaasi waxay sababi karaan in xubno hor lihi Waddani ka goostaan una digo rogtaan meelo kale.

Isku soo xooriyoo doodi kama taagna in Isbahaysigu ay awood ku soo kordhin doonaan xisbiga Waddani, waxase la qiimayn doonaa waxtarkooda bilaha soo socda marka la gudo galo gogol-xaadhka ololaha doorashada.

Waxa diyaariyey: Bandhige News

Bandhige@gmail.com