Faallo: Weerarka Suldaan Wabar iyo hawlgalladiisii hore

Maleeshiyo hubaysan oo daacad u ah Suldaan Abubakar Cilmi Wabar ayaa sida ay wararku sheegayaan goor hore oo Khamiistii ah dhexda u galay gaadhi siday ciidan boolis ah oo marayey meel u dhaxaysa Boorama iyo Quljeed.

Is-rasaasayntii falkaas ka dhalatay waxa ku dhaawacmay askari boolis ah, kaas oo sida wararku nagu soo gaadhayaan markii dambe u dhintay dhaawcaas iyadoo lagu dawaynayey  cisbitaalka guud ee Abraar ee ku yaal badhtama Boorama.

Lama oga khasaaraha dhinaca maleeshiyada soo gaadhay hase ahaatee saraakiil booliska ka tirsan ayaa sheegay in ay khashaare gaadhsiiyeen dhanka kale laakiin aanay hubin tirada askarta ay dhaawaceen.

Sida ay qortay shabakadda Boramanews.com, markan waxa maleeshiyada weerarka soo qaadday hoggaaminayey Cabdiraxmaan Shide Bile “Cabdi-Buur” oo hore u ahaan jiray duqa magaalada Boorama haatana ka tirsan saraakiisha sare ee maleeshiyada Suldaan Wabar.

Falalka ay jabhaddan hubaysani ka gaystaan gobolka Awdal ayaa is biirsanaya in kastoo aanay joogto ahayn isla markaana aanay weli gaysan khasaare nafeed oo ka horeeyey askariga shalay geeriyooday.

Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo ka tirsan hoggaanka dhaqanka ee  Awdal ayaa dagaal ka dhan ah Somaliland ku dhawaaqay bishii December ee sannadkii tagay kadib markii, sida uu ku sheegay farriin uu ku soo duubay cajalad muuqaal ah, uu ka dhiidhiyey in aanay beeshiisu saami u qalma ka helin xukuumadda Siilaanyo isla markaana wax laga qaban waayey madax-dhaqameedkii Awdal ee cabashada u gudbiyey xukuumadda Siilaanyo dabayaaqadii bishii sideedaad ee 2014, sidaas daraadeedna uu qaatay una dagaalamayo mabda’a federaalaynta Soomaaliya.

18 March ee sannadkan Suldaan Wabar wuxu ku dhawaaqay jabhad-goboleed magaceedu yahay Awdal Regional Administration Army (ARAA) wuxuna soo bandhigay calan ka kooban buluug iyo cagaar dhexdiisana libaax ku sawiran yahay.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku qeexday Suldaan Wabar in uu yahay qaran-dumis himiladii dadkiisa ka baydhay. Madaxweyne Siilaanyo oo markii u horaysay una dambaysay arrinta Suldaanka kaga hadlay khudbaddii sannadka cusub ee 1dii January laga sii daayey Telefishanka Qaranka ayaa yidhi:

“Shacabka reer Somaliland way ka tashadeen qof waddo qaloocan iyo qorshe gurracan ku baaqaya. Dadka Somaliland waxay ku heshiiyeen in ay codkooda isbedel ku sameeyaan. Qori lagama ogola cid aan ahayn ciidamada ammaanka. Qofkii wax tabanaya ee garnaqsanaya waan soo dhawaynaynaa una garaabaynaa, laakiin qofka sida Suldaan Wabar qaran-dumiska ah ee qoriga qaata waxan ka qaadaynaa tallaabo sharciga waafaqsan.”

Suldaan Wabar iyo maleeshiyadiisu muddooyinkii hore waxay ku koobnaayeen dagaal dhinaca warbaahinta ah haseyeeshee waxay ficilkoodii koowaad ku muujiyeen weerar ay 22-kii January goor saq dhexe ah ku qaadeen Saldhiga Dhexe ee Boorama, kaas oo argagax abuuray balse aan gaysan khasaare nafeed. Weerarkaas waxa si ba’an u dhaliilay hanjabaadna u diray Suldaanka Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo ay isku ardaa yihiin Suldaanka.

Isla bishii koowaad ee sannadkan jabhaddu waxay tacshiirad ku fureen guriga badhasaabka Awdal goor uu ka maqanaa waxayna weerar gaadmo ah oo aan khasaare gaysan ku qaadeen xero ciidan.

In kastoo bilihii u dambeeyey la dareemayey hoos-u-dhac ku yimid dhaqdhaqaaqyada maleeshiyada Suldaanka kadib markii ay xukuumaddu samaysay dedaalo ay ku kasbanayso bulshada Awdal isla markaana ciidan baaxad leh geysay gobolka kana bedeshay badhasaabkii hore, haddana weli ma joogsan falalka ay maleeshiyadu ka fulinayso gobolka Awdal. Waxay afduubeen gaadhi ay shirkadda Telesom lahayd iyo mid Wasaaradda Maaliyaddu lahayd.

Sidoo kale waxa bishii afraad la qabtay hub culus oo sida uu sheegay badhasaabka Awdal Maxamuud Cali “Ramaax” haddii la adeegsan lahaa khasaare maal iyo nafba ah u keeni kari lahaa magaalada Boorama.

Suldaan Wabar oo sida la sheegay fadhigiisu yahay  xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, ayaan si sugan loo ogayn tirada ciidama uu haysto. Inkastoo aanay weli maleeshiyadiisu dagaal rasmi ah oo awooddooda tijaabo u noqon kara la gelin ciidanka qaranka, isla markaana aan weli hawlgalladooda loo arag kuwo halis badan, haddana waxa muuqata in maleeshiyada Suldaan Wabar ay awood u leeyihiin in ay halwgallo kala duwan ka samayn karaan Awdal wakhti ciidamo xooggan oo qaranka ahi ay gobolka joogaan.

In badan oo ka mid ah dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan bulshada Awdal, ayaa ka walaacsan in cawaaqibka ka dhalan kara haddii dhaqdhaqaaqyadani sii daba-dheeraadaan ay horseedi karaan amni darro saamayn ku yeelan karta dhaqaalaha iyo horumarka gobolka Awdal.

Tifaftirka Bandhige

bandhige@gmail.com