Faallo: Xilwareejinta Maareeyaha TV-ga Qaranku xal ma u noqon doontaa khilaafkii jiitamay?

Mareeyihii Telefishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas ayaa gelinkii hore ee Khamiistii xilkii uu hayey ku wareejiyey maareeyaha dhawaanta la soo magacaabay Md. Cabdi Cali Mahdi.

Xil-wareejintani waxay ku soo beegantay 21 maalmood kadib markii Madaxweynuhe Siilaanyo xilka Telefishanka Qaranka ka beddelay Khadar Cali Gaas 30-kii April una magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.

Sababta raagista xil-wareejinta ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu mashquul ku ahayd qabanqaabada xuskii 18ka May.

Xaflad la isku arkay oo ay ka soo qayb-galeen Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed “Cukuse”, Wasiir-Xigeenka Warfaafhinta Shukri Ismaaciil Xariir, Agaasimaha Guud Maxamed Cilmi “Ilka-case”, agaasime-waaxeedyo iyo tiro badan oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo lagu qabtay hoolka xafladaha ee Wasaaradda Warfaafhinta ayaa labada masuul xilka loogu kala wareejiyey.

Muddadii saddexda sanno ahayd ee uu Khadar Cali Gaas xilka hayey waxa soo taxnaa khilaaf ba’an oo u dhaxeeyey isaga iyo Wasiir Cukuse.

Muddadaas dheer khilaafkani marnaba meesha kama uu bixin in uu qaboobo ama weji kale yeesho mooyaane.

Wuxu khilaafku horseeday  in madaxda iyo shaqaalaha Wasaaraddu la kala saftaan labadan garab ee is hayey, taas oo caqabad ku noqotay habsami-u-socodkii hawlaha warfaafhinta.

Sidoo kale wuxu si weyn u soo jiitay indhaha warbaahinta iyo guud ahaan dadweynaha.

Xilwareejnta maareeyaha TVga

Khilaafka Wasaaradda Warfaafinta dhexdeeda ka jiray wuxu halkii ugu saraysay gaadhay todobaadkii ugu dambeeyey bishii April. Waxa la isula tagay gacanta iyadoo lagu jiro shirar Wasaaradda dhexdeeda ah, fadeexadda khilaafkuna dibadda dibedda ayay Wasaaradda uga soo baxday.

Dhacdadan kadib ayaa Madaxweyn eSiilaanyo go’aansday in uu Maareeye Khadar ka beddelo Wasaaradda una wareejiyo xayndaabka Madaxtooyada.

Dikreetada Madaxweynuhu ku beddelay Maareeye Khadar si toos looguma xusin sababta, waxase lagu soo koobay in Madaxweynuhu isbeddelkan sameeyey kadib  “markii uu tixgeliyey soo-jeedimihii iyo talooyinkii masuuliyiinta kala duwan.”

Haseyeeshee dad badani waxay aaminsan yihiin in beddelka Maareeyuhu xidhiidh toos ah la lahaa khilaafkii ka jiray Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse ayaa kudbad dheer oo uu ka jeediyey munaasibaddii xil-wareejinta si dadban u sheegay in magacaabista maareeyaha cusub looga dan lahaa soo-afjariidda khilaafkii Wasaaradda.

Wuxu yidhi “Khilaafkii maalmihii u dambeeyey xoogaystay wax kale muu ahayne waxa ina haysay fooshii mareeyaha cusub. Irbadda radiidka iyo fooshuba way xanuun badan yihiin.”

Wuxu Wasiirku intaas sii raaciyey  “Shaqaale badan ayaa haghago yeeshay intii khilaafku socday. Waynu isa saamaxaynaa bog cusubna waynu furanaynaa. Haghagadaasina way iska baabi’i doontaa.”

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda oo aan jeclayn in magacooda la xuso qaarkoodna ay warbaahinta maqaallo ku daabaceen ayaa aaminsan in sababta khilaafku u dami waayey ay ahayd laba ka mid ah wasiiradda awoodda badan ee Xukuumadda oo ku lug lahaa, kuwaas oo Wasaaradda ka dhigtay goob dagaal balse dhakhso u kala adkaan waayey. Sidaas darteed, ma sahlana in la maleeyo in uu khilaafkii halkaas ku dhammaaday iyo in uu mar kale soo noqon doono.

Maareeyaha Cusub oo niyadsami ka muuqato ayaa xafladdii xil-wareejinta ka sheegay in uu diyaarsaday qorshihii uu telefishanka ku maamulayey isla markaana uu rajaynayo in uu si turxaan la’aan ah u hoggaamiyo telefishanka Qaranka.

Madaxdii Wasaaradda ee iyaguna goobta ka hadlay ayaa dhammaantood ku niyadsamaa in khilaafkii dhammaaday.

Si kastoo ay tahayba, muddooyinka soo socda ayay kala caddaan doonta in tallaabadii Mareeye Khadar lagu beddelay ku filnaatay xallinta khilaafkii Wasaaradda iyo in kale.

Hoose ka daawo sidii ay u dhacday xil-wareejintu.

 

bandhige@gmail.com