Faalo: Golaha Wakiilada: Maa la cawryey mise fayras baa ku dhacay!

Qaab dhaqameedka golaha wakiilada xilligan nooga muuqda wuxuu aad uga duwan yahay, qaab dhaqameeyadii kale ee ka wada horeeyey. Kuwaas oo aad loogu bogay , kuwanina amaanta qaar kama maqna.

Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in muwaadin kasta oo maskax furan oo aanay caadifadi ku jirin isku waydiiyo.

MAXAA GOLAHA WAKIILADA KU DHACAY? MA LA CAWRYEY, MISE FAYRAS BAA KU DHACAY!

Mudanayaasha golaha Wakiiladu muddo kooban ayay ku ansixiyeen xeerar badan oo golaha yiil, boodhkana ka tumeen kuwo dhaqan gal ahna ka dhigeen. Sidoo kale xeerar badan oo cusub oo loo soo gudbiyey ayay ansixiyeen. Waxaana loo arkaa taa inay tahay xil gudasho bogaadinteeda mudan.

Ma aha arrin lala yaabo in dunidan guud ahaan baraha bulshadu hafisay, in xubno ka mid ah goluhu u adeegsadaan is muujin. Mararka qaarna ay u adeegsadaan dano loo arki karo inaanay dan u ahayn guud ahaan shacbiga gaar ahaana dadkii u soo codeeyey.

Buuqa iyo gacan ka hadalka ka dhaca wuxuu u eeg yahay mid caado u noqonaya . Sidaa daraadeed waxaan filayaa in golaha Wakiilada la siiyey bil fasax ah kadib markii jawiga ay ku doodayaan iyadoo albaabada loo xidhay noqdayna kuwo cakiran oo wax lagu qaban karin.

kala duwanaashaha aragti waa mid lagu amaanayo waana mid u dan ah dalka iyo dadkaba balse waxa muuqata in muranka doorashada shir gudoonka goluhu abuurtay caadifad. Caadifadaas oo loo arki karo inay ku dhalinayso kacdoon dhallinyaro oo la mid ah kii Laascaanood ama u eeg shirqoolada cadowgu adeegsadaan.

Waxaan lee yahay

Mudanayaasha golaha Wakiiladu hore ayay ugu soo codeeyey mudaha shir gudoonka u noqonaya. Kuma aha arrin cusub waana mid ay hore u soo mareen. Hase ahaatee xaalada maanta u codayntaasi khilaafka ka dhacay noqon karaa mid ku abuuraya dalka halis.

Waxaan u malaynayaa inay xal u tahay laba arrimood mid ka mid ah

Haddii uu jiro xeer cusub kol ay tahay qodob ka mid ah xeer hoosaadka goluhu ku dhaqmo in lagu ansixiyey oo uu jiro. Kaas oo u baahan in shacbigana loo soo bandhigo hadduu jirana lagu dhaqm. Haddaanu jirin sharci cusub, dhaqanka soo jiraaga ah ee lagu dhaqmaayey tan iyo maalintii golaha Wakiilada la aas aasay inay mudanayaashu siday kursiga qofkii ka horeeyey ee ay saareenba ay maantana maraan.

Mudanayaal aan is xasuusino wax murankiinu dadka ku dhaliyey oo ah qodobka 49aad iyo 79aad ee ku saabsan. dhawrsanaanta xubnaha Wakiilada. Qodobadaa oo tilmaamaya in tallaabo laga qaadi karo mudane ama mudanayaasha goluhu haddii ay iyagoo dambi faraha kula jira. Qodobadaasi waxay tilmaamayaan in si deg deg ah golaha loo ogaysiiyo inta aan Maxkamad la gayn qofka dambiga lagu hayo si ay dhawrsanaanta ama xasaaanada laga xayuubiyo. Cidnaba kama qarsoona in Gudoomiyihii hore ee Golaha wakiiladu Cabdirisaaq Khaliif uu qiraal yahay inuu dambi ka galay JSL, isagoo sheegay in dhaartii golaha iyo tii Wasiirnimadaba ay ka ahaayeen been aanu daacad ahayn.

Mudanayaal tolow maxaa bedelay dhaqankiinii waxqabad ee sannadkan ka horeeyey. Xaalada dalka ee jirta iyo dhaqankiinuna uma eeka kuwo isku raad ah. Sidaa darteed haddii golaha waxqabadkiisii la cawryey waxaan ku talinayaa in la quraan saaro. Hadduu fayras yahayna in tallaal loo soo saaro. Maxay idinla tahay!.

 

Waxa Qoaray: Xuseen Cali Nuur