Facebook oo adeeggiisa ku soo kordhinaya “dislike”

Shabakadda weyn ee Facebook ayaa go’aansatay in ay badhanka “dislike” oo macnihiisu yahay “maan jeclaysan” ku soo kordhiso adeeggeeda kadib markii ay muddo dheer dad badani sidaas dalbanayeen.

“Maanta waa maalin gaar noo ah mar haddii aanu ku dhawaaqayno adeeg ay dad badani muddo dheer dalbanayeen. Waxanu soo kordhinaynaa badhanka “dislike” sababtuna waxa weeyi iyadoo ay dadku Facebook-gooda soo geliyaan arrimo badan oo aanad “like” ku dhufan karin laakiin ku habboonaa ‘dislike'” ayuu yidhi mulkiilaha isla markaana ah maareeyaha Facebok Mark Zuckerberg.

Wuxu intaas raaciyey “Matalan haddii arrin murugo leh qof soo dhigo boggiisa Facebook-ga, kuma dhufan karaysid “like”, waxad u baahan tahay in aad ku dhufato “dislike” ama “maan jeclaysan” si aad qofkaas naxariis ugu muujiso, taasina adeeg aanu weli diyaarinay maaha.

Zukcerberg wuxu sheegay in ay hadda ka shaqaynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in qof wax wanaagsan soo dhigay Facebook-giisa lagu dhufto “dislike”, taas oo aan cidina jeclaysan doonin sida uu sheegay.

Zuckerberg weli ma uu sheegin goorta adeeggani bilaabmayo wuxuse tibaaxay in tijaabadiisii gacanta lagu hayo.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com