Falcelinta Caalamka Ee Dagaalka Qaza

Ruushka ayaa weydiistay golaha ammaanka ee qaramada midoobay in loo codeeyo maalinta Isniinta qaraar qabyo ah oo ku baaqaya xabbad joojin bini’aadantinnimo, isla markaana canbaaraynaya rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in falalka ay Israa’iil ka waddo magaalada Qaza kadib markii Xamaas weerar ku qaadday, ay yihiin qaar ka gudbay xaqii ay u lahayd inay nafteeda difaacdo, isla markaana waxa uu ku boorriyay xukuumadda Israil inay joojiso ciqaab wadareed ka ay kula kacayo dadka reer Falastiinee Qaza. Wang yi ayaa sidoo kale ugu baaqay Maraykana inuu door masuuliyadeed ka qaato dajinta iyo xal u helista dagaalka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Iiraan ayaa iyaduna war qoraal ah oo ay soo dhigtay baraha bulshada, uga digtay Israil haddii aan la Joojin danbiyada dagaal iyo xasuuqa, in xaaladdu faraha ka bixi doonto, isla markaana ay ka dhalan doonaan cawaaqib aan la mahadin. Warkan oo ay bart a X ay soo dhigtay ergada Iiraan u joogta qaramda midoobay, ayaa ku soo beegantay warar soo baxay oo sheegaya in Tehral ay uga digtay Israa’iil, inay Jawaab ka bixin doonto haddii Israa’il guluf dhanka dhulka ah ku qaaddo magaalada Qaza ee ay Xamaas ka taliso.

Somaliland News Agency
Cabdiraxmaan Hayaan