Dhakhaatiirta wadanka faransiiska oo doonaya in talaalka xanuunka covid-19 marka hore lagu tijaabiyo qaarada Africa
Laba dhakhtar oo Faransiis ah ayaa leh Afrika waa inay noqotaa meesha ugu horeysa ee lagu tijaabiyo talaalka coronavirus.
Faallooyinka iyo aragti is weydaarsi uu u sameyey telefishan oo toos (live) ayan runtii si fiican uga dhex dhicin dadka madowga ah ee ku nool Faransiiska taas oo keentay in cadho ka dhex dhalato dadka madowga ah e u dhashay faransiska.
Wareysi uu la yeeshay telefishanka maxalliga ah ee LCI e wadanka faransiisku, mid ka mid ah labada dhakhtar oo loo magacaabo Dr Jean-Paul Mira ayaa yidhi “Haddii aan kadeedi karno, miyaanay ahayn inaan ku samaynno daraasaddan Afrika, halkaas oo aan lahayn maaskaro ( masks), aan lahayn daweyn, ama dib usoo kabashoba., sidan o kale si la mid ah ayaa loogu sameeyay xooga ka mid ah daraasadaha AIDS-ka, halkaas oo ay ku nool yihiin dumar iyo rag badan o jidhkooda ka ganacsada, oo aanu wax ku tijaabinno, sababtoo ah way lasoo shaac baxeen oo ma anay qarsanin , si iskood ahna umq ilashan naftooda o ma daryeelan, maxaad u malayn?
Dhakhtarka kale ee loo yaqaan Dr Camille Locht ayaa ku soo biirey wadahadalka isagoo leh “Marka waad saxsan tahay […] hadalkisa wuxu ku sii daray, “waxa aanu ka fekeraya daraasada mid la mid ah inan Afrika si sax uga samaynayno isla habka noocan ah w / BCG [tallaalka] placebo.
Xiddiga reer Ivory Coast Didier Drogba oo ka mid ah shaqsiyaadka kale e ka qayb galay ayaa muujiyay sida aanay ugu qanacsanayn hadalada laga soo saaray dacwad ah in dadka Afrikaanka ah aan loogu talagalin tijaabooyin caafimaad.
Wadanka DRC ( democratic republic of Congo) oo dhaca qaarada Africa ayaa sameyey mucjiso kale marki u todobadkan sheegay in dalkoodu diyaar u yahay in lagu tijabiyo talaalka xanuunka safmarka ah Covid 19.
Aragtida ah in talalka lagu tijabiyo qaarada Africa ayaa abuurtay Dood adag.