Farmaajo iyo Hanjabaadda Beesha Caalamka

Wakhtigii wax kasta oo uu Farmaajo rabo ay beesha caalamku ka oggolaan jirtay wuu soo dhammaaday. Maanta beesha caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo madaxa ayay iskula jiraan. Waxayna u eg tahay in kii rooni reerka u hadhi doono.

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo 2 sanno u kordhiyey Isniintii kadib markii muddo dheer la isku mari waayey hannaanka doorashada loo marayo. Xalay ayuu markiiba saxeexay oggolaanshaha sharciga loogu kordhiyey.

Hase ahaatee, intii aan Soomaalida mucaaradka ku ah Farmaajo aan la isla gaadhin, ayaa beesha caalamku si adag uga soo hor jeedsatay muddo-kordhinta, waxaanay soo saareen warsaxaafadeedyo ay si adag ugu hanjabayaan Soomaaliya.

Ingiriisku wuxu yidhi waa in si dhakhso ah loogu noqdaa xayndaabka geedi-socodka doorashada, haddii ay taasi dhici waydo, xidhiidhka ay beesha caalamku Soomaaliya la leedahay wuu isbeddeli doonaa. Waxan la shaqayn doonaa saaxiibadayada caalamiga ah si meel looga soo wada jeedsado qaabka loola dhaqmayo Soomaaliya iyo waxa laga yeelayo taakulada la siiyo Soomaaliya ayuu ku yidhi war-saxaafadeedka.

Midowga Yurub ayaa isaguna war-saxaafadeed soo saaray. Waxay muddo-kordhinta Farmaajo ku sheegeen mid mijo-xaabinaysa nabadda iyo horusocdka Soomaaliya. Waxay ku baaqeen in lagu soo noqdo heshiiskii doorashada ee 17kii September. Haddii taas la yeeli waayo, tallaabooyin ayuu Midowga Yurub qaadi doonaa ayay yidhaahdeen.

Waxa isguna hanjabaad taas la mid ah soo diray Maraykanka. Wuxu sheegay in uu ka niyadjabay go’aanka ay baarlamaanka Soomaaliya ku kordhiyeen muddo-xileedka Madaxweyne Farmaajo. Maraykanku wuxu dib u qiimayn doonaa xidhiidhka uu la leeyahay dawladda Federaalka ee Soomaaliya haddii uu yahay ka diblomaasiyadda iyo haddii ay tahay arrimaha gargaarka. Sidoo kale Maraykanku wuxu ka fikiri doonaa cumaqabataymo iyo xayiraado dhinaca safarka ah ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Marka aad eegto luuqadda badheedhka ah loo adeegsaday war-saxaafadeedyada, waxay u muuqataa in beesha caalamku ay u diyaargarowday in ay tallaabooyin cad ka qaadaan Farmaajo kadib markii u dheg u dhigi waayey digniinihii ay soo dirayeen intii uu socday muranka siyaasiga ahi. Sida kali ah ee uu Farmaajo kaga badbaadi karo cadaadiska beesha caalamku waxay noqon kartaa in uu dib u bilaabo wada-hadalladii geedi-socodka doorashada.

Su’aashu waxay tahay maxay yeeli kartaa Beesha Caalamku Farmaajo iyo Soomaaliya?

Jawaabta oo kooban waxa weeyi, waxay yeeli kartaa wax weyn. Haddii ay Soomaaliya ahaan lahayd dawlad sida dawladaha kale ee adduunka isku filan iskeedna isku maamuli karta, Farmaajo wuu ka badbaadi kari lahaa tallaabooyinka ay beesha Caalamku ka qaadayaan. Laakiin dawladda Soomaaliya wax kasta oo ay maanta tahay waxay ku tahay beesha caalamka. La’aanta beesha caalamka maalmo kooban ayay sii jiri kartaa. Amniga dawladda Federaalka waxa gacanta ku haya beesha caalamka. Dawladda Soomaaliya cashuur ma urursato aan ka ahayn waxoogaa dekedaha iyo maddaaradda ka soo gala. Kharashaadka dawladda Soomaaliya wax yar mooyeen sida uu u dhan yahay waxa bixisa beesha caalamka. Galaankalka ay Soomaaliya dunida ku leedahay waxa gadhwadeen ka ah beesha caalamka.

Sidaa daraadeed, way adkaan doontaa in uu Farmaajo madaxweyne ahaado laba sanno oo dambe iyadoo beesha caalamku ka soo horjeeddo. Haddii uu ku sii socdana waxay u horseedi kartaa hoos u dhac joogto ah iyo Soomaaliya oo dib uga noqota waxoogaaga soo kabashada ah ee ay muddooyinkii ugu dambeeyey samaynaysay. Waxa sidoo kale dhici karta in Soomaaliya ay mar kale gacan isa saarto ama Alshabaab ay xoogaysato soona ceshato awoodihii maamul ee ay ku lahayd Soomaaliya iyadoo fursad ka dhiganaysa khilaafka Farmaajo iyo beesha caalamka.