Farriinta Farmaajo iyo jawaabta Puntland

Goddoomiyaha Baarlamaanka Puntalnd, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka jawaabay farriin oo uu Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Moxamed Cabdullahi Farmaajo soo dhooiga bartiisa Facebook.

“Wuu ku mahadsan yahay bogaadinta iyo hambalayada uu shacabka iyo Dawladda Puntland hawada usoo mariyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Mudane Moxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayuu guddoomiye Cabdirashiid ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook iusaga oo shegay in ay ku bogaadinayaan “taageeradiisa barnaamijka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada ka hanaqaaday Puntland.” Ayuu qoraalka ku yiri.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Moxamed Cabdullahi Moxamed (farmaajjo) ayaa ka hadlay doorashada Puntland isaga oo sheegay in uu ku bogaadinayo sida reer Puntland bulsho iyo maamulba “ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda”. Ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in ay reer Puntland tusaale u yihiin hamuunta ay shacabka Soomaaliyeed si guud u qabaan in ay codkooda wax ku doortaan. “Hannaanka doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu ku yiri qoraal uu soodhogay boggisa Facebook.

Bandhige@gmail.com