Faysal Cali Waraabe oo xilkii ka qaaday Calli Guray, Jamaal Cali Xuseen oo ka soo horjeedsaday, sheegayn in ay xilka ka qaadayaan Faysal

Kadib markii uu cirka isku shareeray muranka u dhexeeya masuuliyiinta xisbiga UCID oo inta badan hadalada isku waydaarsada warbaahintay ayaa waxa uu Guddoomiye xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu xilkii Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ka qaaday Cali Yuusuf Axmed “Cali Guray”, isla markaana waxa uu u magacaabay Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee UCID Maxamed Cali Muuse Jiir.

Dhanka kale waxa xil ka qaadistan ka soo horjeestay Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo bartiisa uu ku leeyahay ku baahiyey qoraal uu kaga soo horjeedo xil ka qaadistan, qoraalkana waxa uu dhignaa sida tan:

“Waxaan ku wargelinayaa dhammaan taageerayaasha xisbigga UCID iyo dhammaan inta nabadda jecel, inta dimuqraadiyadda jecel iyo inta cadaaladda jecel in la doonayo in xisbiggii UCID si waali ah loo jah-wareeriyo oo la burburiyo iyadoo la adeegsanayo Faysal Cali Waraabe. Waxaad ogaataan Faysal xisbigga shakhsi buu ka yahay, waxaanu u biyeystay in uu dabadda geliyo xisbigga Kulmiye. Waraaqahaasi iyo hadaladaasi uu Faysal sida jah-wareerka ah u soo qorayo ee uu u soo bandhigaayo warbaahinta waxa looga soo laqimay xafiiska xisbigga Kulmiye. Waraaqahaasi iyo ereyadaasi uu ku leeyahay cid baan eryay iyo cid baan magacaabay kuligood waxay baal marsan yihiin shuruucda xisbigga UCID, awood siinaysaana ma jirto. Wixiisu waa naf la caarid, cay, aflagaado, iyo xil ka qaadis. Dheg jalaq haw siinina; ee naga dhursuga mar labaad ayuu taariikhda ku gelayaa in maxkamad lala tiigsado. Doorkana cadeymahii, shirqoolkii iyo burburkii uu xisbigga la beegsaday ee Muuse Biixi dabadda ka wado cidna waxba kaga qaadi maayo ee waa mid Muuse Biixi iyo Faysalba taariikhda ku geli doonaan. Taageerayaasha xisbigga waxaan u sheegayaa in Faysal iyo xubno uu magacaabay oo Kulmiye ka tirsani ay doonayaan in Xisbigeennii ay burburiyaan oo Kulmiye u adeegaan ee noo samra warku dhawaan buu kala cadaan doonaaye.”

Waxa kale oo intaas ku daray Jamaal Cali Xuseen:

” Cali Guray ma jirto in uu Faysal magacaabay, ee waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ku noqday heshiiskii badbaado ee ay wada galeen garabkii UDUB ka soo diga-rogtay iyo intii ka hadhay xisbiggii UCID ee xilligaasi burburay. Cali Guray oo markaasi ahaa raggii ugu waaweynaa ee garabka UDUB ayaa heshiiskaasi darteed xilkaasi ku qaatay ka dibna waxaa ansixiyey golaha dhexe ee xisbigga UCID. Sharcigga xisbigga meelna kagama taallo in uu Faysal magaacaabi karo ama eryi karo cidna, bal eega sharcigga xisbigga qodobka 22aad ee ka hadlaaya waajibaadka Guddoomiyaha. Faysal iska daa Guddoomiye-ku-xigeen saddexaade xataa xoghayayaasha ma eryi karo ee wado loo maro ayey leedahay. Faysal si indho la’aan ah ayuu ku socdaa, dabadana waa laga wadaa ee waxaanu banaanka soo dhigi doonaa cida kula jirta shirqoolkani burburinta xisbigga UCID waxaananu la tiigsan doonaa maxkamad iyo xeerarka xisbigga. Wajiga horena waa Sharcigga oo la tiigsan doono iyo cadeymaha burburinta khiyaamo Xisbi Qaran. Alleylahe waa rafadkay rafanaysay, meel wanaagsan bay maraysaa!.”

Sidoo kalena Guddoomiyaha-ku-xigeenka saddexaad ee xilka laga qaaday ayaa waxa uu isagu soo dhigay barta uu Face Book-ga ku leeyahay jawaabta xil ka qaadistii uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe soo saaray maanta, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sida tan:

“Guddoomiyaha UCID Ilaahay caafimaad ha siiyo wuu xanuunsanayaa waayo ficilka iyo hadalkiisa midna ma aha wax ka suurtoobi kara qof xiskiisu dhan yahay. Haddii ay run tahay in kiniin joogto ah uu qaadan jiray malaha wuu ka go’aye marka loo keeno wuu ladnaan doonaa. Arrinta UCID maaha arrin shakhsi iyo wax xalku noqon karo xil magacaabis iyo xil ka qaadis. Qandaraaska la soo siiyay waa burburinta UCID waaana halkii laga soo maleegay shirqoolkii la isku deyay in lagu burburiyo Saldanadda Subeer Awal. UCID iyo Suldanada guri keliya ayaa lagaga soo duulay waanu fashilmayaa haddii Alleh yidhaa, sidii uu u fashilay shirqoolkii Saldanadda Subeer Awal. Markaa Faysal waa la isticmaalayaa xaaladda uu ku sugan yahay ee caafimaadna way kaga faa’iidaysanayaan. Markaa anigu xal uma arko in lala tirsado balse waxaan u arkaa in sharciga la adeegsado.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xil ka qaadistii uu xilkii ka qaaday Guddoomiye Faysal waxaanu yidhi:

“Aniga haddii uu jiroba xil uu ii magacaabay wuu iga qaadi karaa raalina waan ku ahay, laakiin waxaan cadaynayaa in aanu jirin haba yaraato xil uu Guddoomiyuhu ii magacaabay oo aan u hayo Xisbiga UCID. Xilka aan u hayo xisbiga waxa la iigu doortay Kalfhadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo cod buuxa ku ansixiyay sida ku cad go’aamadii ka soo baxay Kalfadhigaasi, isaguna xaq uma laha inu iga qaadi karo haddiise uu ka ansixiyo Golaha Dhexe waa sax waanan u hogaasami doonaa.”

Waxa uu Cali Guray hadalkiisa ku soo afmeeray:

“Ugu dambaystii Faysal xalka dhibaatada UCID qayb kama noqon karo waayo isaga ayaaba dhibaatada lafteeda ah dhibaato kale oo UCID haysta oon isaga ahaynina ma jirto. Markaa dagaalka siyaasiga ah ee UCID waa ” winner takes all” waa in UCID la waayo iyo in Faysal la waayo wax ka dhexeeya oo kale anigu ma garanayo. Markaa aan sugno dhammaadka. Haddii ay ta xunbaha noqoto oo UCID la waayo anigu waxaan noqon doonaa qofka ugu khasaaraha yar waayo dan shakhsi ah oon waayayaa ma jirto balse waxaan la qaybsan doona khasaaraha UCID intii xisbiga ah oo dhan. Kuwii iiga badsaday UCID hawlihiisa ee 14ka sannadood ku xoog iyo xiniinyo beelayna waan ka tacsiyayn doonaa. Kolkaa xil waxba ma sheegayo, waxaan bahwaynta UCID ugu baaqayaa in ay u midoobaan badbaadinta xisbigooda qaaliga ah si ay u gaadhi karaan hiigsigoodii UCIDna ugu gaadhi lahaayeen in uu noqdo xisbul xaakim.”

XIsbiga oo haatan ay u bilaabantay khilaaf horleh oo ay masuuliyiinta ugu sareysa xisbiga UCID isku marinayaan warbaahinta ayaa waxa maalmaha soo socda la filayaa in dacwadda UCID ka bilaabanto Maxkamadda sida ay shaaciyeen masuuliyiintani.

Hoos ka akhriso warqada xil ka qaadista Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Guray:

ucid-1 ucid 2

bandhige@gmail.com