FIFA oo ku dhawaaqday wakhtiga ay doorashadda madaxweynimada qabanayaan goor ay dul hoganayaan eedaymo musuq-maasuq

Shir aan caadi ahayn oo ay isku yimaadeen guddida fulinta FIFA xaruntooda ku taala Zurich ayey ku shaaciyeen wakhtiga la qaban doono doorashadda madaxtinimadda FIFA 26ka bisha Feebarwari 2016.

Sepp Blatter ayaa markii shanaad loo doortay Madaxweynaha FIFA dhammaadkii bishii May, Ka dib markii uu wareeggii labaad ee cod-bixinnta ku guul-daraystay musharaxiii reer Joordan ee la tartamayey Amiir Cali Bin Al Xuseen.

Madaxweyne Sepp Blatter ayaa afar maalmood ka dib iska casilay xilkii loo doortay, ka dib markii 14 sarkaal oo ka tirsan FIFA loo xidhay eedaymo musuq-maasuq iyo wax-isdaba marin maalmo yar ka hor doorashadii madaxweynimadda FIFA.

Xubnaha isku soo sharaxay jagadda madaxweynimadda FIFA waxa ka mid ah Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Laybeeriya Musa Bility iyo Zico oo ahaa ciyaaryahan reer Baraasiil.

Michel Platine oo ah madaxa xidhiidhka kubbadda cagta Yurub ayey dad badani kula taliyeen in uu isku soo sharaxo jagadda madaxweynimo ee FIFA ayaan wali ku dhawaaqin, balse la filayaa inuu ku dhawaaqo wakhtiyadda soo socda.

bandhige@gmail.com