FIFA oo xayiraad iyo ganaax iskugu dartay Sepp Blatter iyo Micheal Platini

Guddiga anshaxa FIFA ayaa waxay xayiraad iyo ganaax lacageed kusoo rogeen Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter iyo iyo xidhiidhka kubadda cagta Yurub Micheal Platini .

Sepp Blatter iyo Micheal Plattini ayaa waxa lagu helay wax isdaba-marin uu sameeyey sannadkii 2011 taas oo lacagteedu gaadhayso 2 milyan oo doolar siiyeen nin u dhashay waddanka Faransiiska, inkastoo Labadooduba waxay sheegeen in lacagtaasi ay maamuus ahayd oo lagu heshiiyay sanadkii 1998 iyo 2002 wakhtigaas oo Platini uu la taliye u ahaa Blatter.

Guddiga anshaxa FIFA ayaa labadan masuul ku helay musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin taas oo sababatay in lagu soo roge xayiraad iyo ganaax lacageed oo Sepp Blatter lagu xukumay ganaax gaadhay 40 kun oo doolar, halka Micheal Plattini lagu xukumay lacag gaadhaysa 80 kun doolar.

Inkastoo Sepp Blatter uu iska casilay xilka Madaxweynenimo ee FIFA ka dib markii ay soo baxeen eedaymo musuqmaasuq oo dul hoganaya xidhiidhka kubadda adduunka ee FIFA, balse Micheal Plattini ayaa waxa uu damac ka galay in uu isku sharaxo jagadda Madaxweynenimada FIFA, balse go’aanka ayaa noqonaya mid uu ku waayo jagadaas oo uu ku jiray ragga u cadcad.

bandhige@gmail.com