Furitaanka Laba Mashruuc.

Waxa maanta ay oo ay bishu tahay August 06, 2023, Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL ay fureen Laba mashruuc oo in muddo ah baahintoodu ka socotay Warbaahinta kala duwan ee dalka.
Mashaariicdaas oo kala ahaa; Qandaraaska Iibka Raashinka iyo Qandaraas Qalab Xafiis waxaa laga maalgelinayaa Miisaaniyadda Qaranka ee JSL Ee 2023.

Labada Mashruuc waxaa ku soo tartamay 5 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiye Ku Xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL Ahna Kusimaha Gudoomiyaha, Xubnaha Guddida, Agaasimaha Guud, Iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagawayne) ayaa u mahadnaqay shirkaddaha ku soo tartamay Mashaariicdaas islamarkaanna u rajeeyey guul. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shirkadaha u sheegay in go’aanka lagu dhawaaqi doonno Isniinta August 07, 2023.

Allaa Mahad Leh,