Gabadh Fagaare Caalami ah kaga codsatay Madaxweynaha Rwanda inuu Aqoonsado Somaliland

Waxa  baraha bulshada qabsatay oo aad loogu baahiyey  gabadh dhallinyaro ah oo reer Somaliland oo la yidhaahdo Suhuur Fatxi Mukhtaar oo si dhiirran Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame  Fagaare ku sugnaa  kaga dalbatay inuu aqbalo rabitaanka  shacbiga oo uu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal buuxiyey shuruudihii dawladnimo.

Tallaabada ay qaaday Suhuur waxay ka turjumaysaa  sida shacabka Somaliland ay ugu adag yihiin difaaca iyo iibgeynta qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Suhuur Fatxi Mukhtaar oo ka qaybgashay Shirka isku xidhka dhallinyarada Afrika (YouthConnekt Africa) oo ay soo qaban qaabisay  Wasaaradda Dhalinyaradda Rwanda oo kaashanaysa hay’ado ay ka mid ahaayeen UNDP.

Gabadhan oo shirka dhexdiisa ka mid noqotay dad  fursad u helay ay su’aalo ku weydiiyaan madaxweyne Kagame, waxaana iyadoo shucuurteedu sarreysay ay tidhi;  “Magacaygu waa Suhuur waxaan ka imid dal la yidhaahdo Somaliland.waxaanan kaaga mahadcelinayaa sidaad halkan (Ruwanda) noogu soo dhaweysay. Waxaan ku faraxsan nahay inaan halkan kuugu soo qadimayaa codsi ee kuma weydiinayo su’aal.”

 “Waxaad ka warqabtaa inuu dalkayagu yahay mid nabdoon oo xasiloon. Waxa kaloo aanu leenahay dawlad shaqeynaysa, waxaannu leenahay dastuur, hase ahaatee wali aqoonsani kama aanu helin caalamka iyo dalalka Afrika.Sidaas darteed, waxaannu kaa codsanayaa adiga (Madaxweynaha Ruwanda) inaad aqbasho dalabkayaga oo aad na aqoonsato,”ayey si dhiirran u tidhi Suhuur Fatxi.

Madaxweynaha  Rwanda Paul Kagame wuxuu uga jawaabay   soo jeedinta gabadhaas reer Somaliland, si taxadir ka muuqday oo uu is ururinayey waxaannu  yidhi; “Waxaan u malaynayaa inaad ii dirayso shaqo adag. Waayo waxa jira shuruuc caalamiya oo jidaynaya qaabka  loo aqoonsanayo dawlad ama dal, waxaan filayaa inaad arrintaas u halgamaysaan  ilaa  aad ka xaqiijinaysaan oo  gaadhaysaan qaddiyadiinna.”

Mr. Paul Kagame wuxuu intaas ku daray “Waxaad muddo ka tirsanaan  jirteen Soomaaliya, intaas kadib tiro dambiyo ah ayaa dhacay sax iyo khalad waxay doonaan ha noqdeene’ markaa waxaad bilowdeen inaad noqotaan Somaliland.  Waxaad leedihiin waxaannu doonaynaa inaanu xor ahaano. Xukuumaddii Federaalka Soomaaliyana waxay leedahay ‘maya annaga ayaad naga mid tihiin’ markaa  sidaad sheegtay waxay noqonaysaa inaad  hawlihiina wadataan wax kasta oo ay noqonayso.”

madashii shirka iskuxidhka dhallinyarada Afrika

Suhuur Fatxi oo mar labaad makarafoonka qabsatay ayaa madaxweynaha Rwanda u sharraxday guulaha ay Somaliland gaadhay waxaanay tidhi “Haa Madaxweyne,  waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaanu buuxinay shuruudihii qaranimo, waayo waxaanu leenahay dastuur, xudduudo iyo dawladnimo shaqeynaysa. Waxa kaloo aanu leenahay shacab, waxaanan xornimadayadii la soo noqonay 27 sannadood ka hor. Sidoo kalena waxaannu ku guulaysanay inaanu qabanno doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxaanse wali u halgamaynaa sidii aanu ku kasban lahayn aqoonsi.”

Madaxweynaha Rwanda wuxuu xog warranka  Suhuur kaga jawaabay ayaa  yidhi “Sidaad sheegtay waxaad qaadeen tallaabooyin badan, sidaad uga gun gaadhaysaan waxay noqon kartaa dhawaan ama barito.”

Halkan ka daawo muuqaalka:   

Sidoo kale, waxa kamaradaha ka soo baxay dhallinyaro reer Somaliland ah oo shirkas madashii lagu qabanayey ka hor sameeyey olole ay ku muujinayeen qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland.