Gabadh Falastiiniyad ah oo 13 jir ah ayaa gacan kaga adkaatay askari Yuhuudi ah oo hubaysan

Jariiradda the Daily Mail ayaa Jimcihii daabacday sheeko xiiso badan dhinacna ka naxdin badan.

Askri Yuhuudi ah oo ka hawlgalayey Daanta Galbeed ee laga haysto Falastiiniyiinta ayaa ku yar oo Falastiini ah oo gacantu jaban tahay xuurto ku qabtay. Askarigu wuu hubaysnaa qoriguna laabta ayuu uga laalaaday.

Hase ahaatee waxa orod isa soo qaaday gabadha yar ee magaceeda la yidhaa Ahed Tamimi kadibna waxay iyada oo maqiiqan gashay askarigii ka yar xuurtada ku hayey.

Waxa iyaguna sidoo kale soo gurmaday ugu yaraan laba haween Falastiiniyiin ah oo meesha ka ag dhawaa. Kadibna inta ay askarigii isku qabteen ayay Ahed iyo islaamihii kii yaraa askarigii hubaysnaa khasab kaga furfureen. Kadibna askarigii oo qorigiisii sita ayaa cagaha wax ka dayey, faro-cidood ku baxsaday isagoo ka badbaada sabaaxad ay la beegsatay mid ka mid ah islaamihii sida sawirka ugu hooseeyaa muujinayo.

Ahed oo aabaheed iyo hooyadeed ay yihiin dadka u ololeeya Falastiiniyiinta waxay hore ugu guulaysatay billad geesinimo kadib markii ay iska caabiday askar Yuhuud ah oo kala didinaysay mudaharaad ay ka qayb-qaadanaysay.

Hoos ka daawo sawirro muujinaya sidii ay wax u dhaceen.

Falastiiniyad Yuhuudi eryatay4  Falastiiniyad Yuhuudi eryatay2  Falastiiniyad Yuhuudi eryatay6

Falastiiniyad Yuhuudi eryatay7BFalastiiniyad Yuhuudi eryatay5

 

Falatiiniyad Yuhuudi Eryatay8

 

Xigasho: Daily Mail