Gabadh Reer Somaliland ah Oo Ku Guulaysatay Abaal-marin Caalami ah

Dr. Sacda Mire oo ah Aqoonyahanad ku Takhasustay baadhista Aataarta Qadiimka ah, kana shaqaysa, ayaa ku guulaysatay Abaal-marin Caalami ah.

Dr Sacda oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, haysatana dhalashada Dalka Sweden, isla markaana ka shaqaysa u ololaynta iyo horumarinta Hiddaha iyo dhaqanka, ayaa ku guulaysatay abaal-marinta Caalamiga ah Wayfinder Award oo ay bixiyaan Ururka National Geographic Society oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka.

Abaal-marinta โ€˜Wayfinderโ€™ ayaa lagu maamuusaa Dadka dedaalkoodu saamaynta wax-ku-oolka ah yeesho, kana shaqeeya Isku-xidhka Taariikhaha Umadaha isla-markaana Shaqadoodu daah-furto Hal-abuur Horumar Horseeda.

โ€œAniga oo ku hadlaya magaca Ururka โ€˜National Geographic Societyโ€™ waxaan ku hanweynahay inaan magacowno 15-ka qof ee raad-raacayaasha ah inay yihiin kuwa sanadkan 2023-ka helay Abaalmarinta Wayfinder, taasi oo ku timid Wax-qabadkooda gaarka ah ee heer maxalli ah iyo mid caalami ah,โ€ sidaa waxa yidhi Alexander Moen oo ah Madaxa Hawl-gelintaย National Geographic Societyย oo ka mid ah hayโ€™adaha ugu waaweyn caalamka ee ka shaqeeya horumarinta Cilmiga iyo Waxbarashada.

Sacda Mire oo haysata Shahaadada sare ee PhD, ayaa ka hawl-gasha Machadka Cilmi-baadhista Aataarta qadiimiga ah ee Jaamacadda London, iyadoo ah Aasaasaha Madxafka Horn Heritage Foundation, waxayna ka shaqaysaa oo kale Cilmi-baadhista iyo ilaalinta Hiddaha iyo dhaqanka Geeska Afrika.

Dr Sacda Mire, ayaa ah gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo barata cilmiga Aataarta qadiimiga ah oo ay ka shaqaynaysay in ka badan toban sano, waxay cilmi-baadhis ka samaysay Somaliland iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay War ay baahisay Hayโ€™adda Abaal-marintan bixisa, taasi oo intaa ku dartay Inay ahayd Agaasimihii aasaasay Waaxda Aataarta Qadiimka ah ee Somaliland.

โ€œWaxa aan Aad ugu faraxsanahay in aan la wadaago in aan ku guulaysto Abaalmarinta Wayfinder, anigoo ka mid noqonaya shabakada caalamiga ah ee National Geographic,โ€ sidaa waxa tidhi Sacda Mire oo qoraal kooban oo ay guusheeda kaga dareen-celisay ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Abaal-marinta lagu maamuusay Dr Sacda Mire, ayaa u saamaxaysa inay ka mid noqoto shabakadda Khubarada caalamiga ah ee ka hawl-gala hayโ€™adda National Geographic Society.

Sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ay soo saartayย hayโ€™adda National Geographic Society, Dr Sada Mire ayaa ah Qofka Kaliya ee Soomaali ah ee ku jira 15 Aqoonahan oo ee sannadkan ku guulaystay. Sidoo kale, Sacda Mire ayaa noqonaysa Qofkii u horreeyey ee Soomaali ah ee ku Guulaysta Abaalmarintan.

Aqoonyahan Sacda Mire, ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay Goobo Taariikhi ah oo laga helay Somaliland, gaar ahaan Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel oo masaafo 47km ah dhinaca Woqooyi-Bari kaga beegan Hargeysa.

Khubaro caalami ah Oo ku takhasusay Cilmiga Aataarta Qadiimiga ah, ayaa tiraba dhowr jeer booqasho ku tagay deegaanka Laasgeel oo laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin, kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay.

Sacda Mire ayaa noqonaysa Gabadhii labaad ee reer Somaliland ah ee Muddo bil gudaheed ah ku guulaysata abaal-marin Caalami ah oo lagu maamuusay.

Hore waxa sidan oo kale Abaal-marinta Caalamiga ah ee Templeton Prize ugu guulaysatay Drโ€™s Edna Aadan Ismaaciil.

 

Bandhige@gmail.com